Del Piero Oo U Saadaaliyay Koox Lama Filaan Ah Tartanka Club World Cup 2025

Halyeeyga Juventus, Alessandro Del Piero, ayaa saadaaliyey in kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ay ku guuleysan doonto Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025 (FIFA Club World Cup).

Del Piero ayaa sheegay in PSG — oo dhawaan ku guuleysatay UEFA Champions League — ay heysato fursad weyn oo ay koobkan ku qaado bisha soo socota.

Del Piero oo ka hadlayey ANTV, ayaa yiri:

“Kooxda ku guuleysan doonta Club World Cup? Juventus! Waa riyadayda, laakiin ma filayo inay qaado koobka.”

“Aniga ahaan, PSG ayaa ku guuleysan doonta.”

Si ay saadaasha Del Piero u rumoowdo, PSG waa inay marka hore ka adkaato Inter Miami kulanka wareega 16-ka oo dhici doona fiidka Axadda.

Haddii PSG ay guuleysato, waxay u gudbi doontaa wareega quarter-finalka ee tartanka, halkaas oo tartanka uu sii adkaan doono.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football