Muqdisho, Soomaaliya – Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay saddex ka mid ah halyeeyada kubadda cagta Afrika: Emmanuel Adebayor (Togo), Samuel Eto’o (Cameroon), iyo Jay-Jay Okocha (Nigeria).
Soo dhaweyntan ayaa timid iyada oo ay socdaan dadaallo lagu horumarinayo ciyaaraha dalka, gaar ahaan kubadda cagta, waxaana la sheegay in halyeeyadan ay door weyn ka qaadan doonaan sidii Soomaaliya uga soo dhex muuqan lahayd saaxadda kubadda cagta ee Afrika.
Inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, halyeeyadan ayaa lagu wadaa inay dhagax dhigaan garoomo cusub oo kubadda cagta ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la filayaa inay la kulmaan madaxda ciyaaraha dalka iyo xiriirka kubadda cagta si loo gaaro heshiisyo horumarineed.
Ujeedada safarkooda ayaa ah dhiirrigelinta da’yarta Soomaaliyeed, abuurista fursado ciyaareed iyo horumarinta kaabayaasha kubadda cagta, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu doonayo in Soomaaliya dib ugu soo noqoto khariidadda ciyaaraha Afrika.
Socdaalkan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo dhiirogelin u noqon kara ciyaartoyda Soomaaliyeed, isla markaana kor u qaadi kara sumcadda ciyaaraha dalka.