Suxufiga caan ka ah ee Gerard Romero ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqay in heshiiska Nico Williams uu ahaa mid “la dhammeeyay”. Si kastaba, Romero ayaa hadda qirtay inuu si degdeg ah uga dhawaajiyay war aan wali si buuxda sal u laheyn, kadib markii dhibaatooyin cusub ka soo dhex dilaaceen wada xaajoodyadii u dhaxeeyay Barcelona iyo wakiilka ciyaaryahanka.
Romero ayaa bartiisa Twitch ku yiri:
“Haddii shalay aan iri heshiisku waa dhammaad 150%, maanta waxaa waajib igu ah inaan idin sheego in wada xaajoodyadu istaageen, sababtuna waa khilaaf u dhaxeeya wakiilka Nico, Tainta, iyo kooxda Barcelona.”
Romero wuxuu intaas ku daray in khilaafka ugu weyn uu salka ku hayo qodob ku saabsan diiwaangelinta ciyaaryahanka, kaasoo dhigaya in Nico uu si xor ah uga tagi karo kooxda haddii aan la diiwaangelin xilli ciyaareedka cusub.
“Maxaa ii diidaya inaan si toos ah idinkula wadaago arrintan? Waxaan doonayaa inaan daacad noqdo, oo aanan wax qarinin sida kuwa kale,” ayuu yiri Romero isagoo caddeynaya in warbaahinta aan la marin habaabin.
Sida uu sheegayo Romero, madaxweynaha kooxda Barcelona ayaa hadda si toos ah u galay wadahadalka, taasoo muujinaysa in arrintu tahay mid culus oo saameyn weyn leh. Weli lama oga in heshiiska la xallin doono kahor inta uusan Nico Williams ku laaban tababarka kooxda Athletic Bilbao 9-ka July.
Jimcaale