DEG-DEG: Uefa Oo Ganaax Culus Kusoo Rogtay Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa lagu ganaaxay lacag dhan €15 milyan oo Yuuro kaddib markii ay jebisay xeerarka Financial Fair Play (FFP), sida uu shaaciyay xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

Ganaaxan ayaa la xiriira xisaab-xirka maaliyadeed ee kooxda, gaar ahaan qiimeynta qaar ka mid ah hantideeda oo UEFA ay u aragtay inaysan muhiim u ahayn isla markaana aysan waafaqsanayn xeerarka dhaqaalaha ee UEFA.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Barca la ganaaxo; sanadkii 2023, waxay horey ugu dhacday ganaax dhan €500,000 sababo la mid ah kuwa hadda keenay ciqaabtan. Laakiin ganaaxa cusub ayaa aad uga weyn, taasoo muujinaysa xadiga culus ee xad-gudubka dhaqaale ee la sameeyay.

Arrinta ugu weyn ayaa ku saabsan xeelado dhaqaale oo ay kooxda isticmaashay si ay uga baxdo dhibaatooyinka maaliyadeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Iibinta qeyb ka mid ah xuquuqda baahinta TV-ga

Ka ganacsiga saamiyada shirkadooda warbaahinta

Iibinta dakhli mustaqbalka ka imaan lahaa kuraasta VIP-da ee garoonka Spotify Camp Nou

Inkasta oo xeeladahaan ay ogol yihiin LaLiga, UEFA ayaa si ka duwan u eegta, taasina waxay sababtay ganaaxa culus.

Ganaaxan wuxuu qeyb ka yahay olole ballaaran oo UEFA ay ku wajahday xisaab-xir aan sax ahayn iyo musuqmaasuq dhaqaale oo ka jira kooxaha Yurub. Kooxda Chelsea ayaa iyaduna ganaax dhan €20 milyan lagu riday dhawaan sababo la mid ah tan.

Labada kooxood – Barcelona iyo Chelsea – ayaa loo faray inay buuxiyaan yoolalka dhaqaale ee UEFA dejisay xilli ciyaareedyada soo socda, haddii kale waxay wajihi doonaan ganaaxyo dheeri ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football