Antonio Rüdiger ayaa diiday dalabyo badan oo uga yimid kooxaha horyaalka Sacuudiga, sida ay werisay AS. Daafaca Jarmalka ah oo qandaraaskiisu soconayo ilaa 2026, ma laha wax qorshe ah oo uu kaga tagayo Real Madrid xagaagan.
Rüdiger wuxuu si buuxda uu diiradda u saarayaa Club World Cup iyo inuu sii hogaamiyo daafaca kooxda Los Blancos. Wuxuu si cad u sheegay inuusan dooneynin inuu isaga tago Real xilligan noloshiisa xirfadeed.
Iyada oo daafacyada da’da yar sida Huijsen iyo Raul Asencio ay wali korayaan, waayo-aragnimada Rüdiger ayaa loo arkaa mid muhiim u noqon doonta kooxda Xabi Alonso xilli ciyaareedka soo socda.
Sidoo kale, Rüdiger wuxuu ku lug lahaa dhacdo muran dhalisay kulankii Pachuca, kadib markii uu aflagaaddo cunsurinimo ah kala kulmay Gustavo Cabral. Waxaa la xaqiijiyay in FIFA ay billowday baaritaano anshaxeed oo arrintaas la xiriirta.
Rüdiger ayaa markale muujiyay sida ay uga go’an tahay sii joogidda Real Madrid, isaga oo diiday fursado dhaqaale oo waaweyn si uu u sii joogo garoonka Santiago Bernabéu.