DEG-DEG: Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Gonzalo Garcia

Warbixin kasoo baxday warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in xiddiga da’da yar ee Gonzalo Garcia la filayo inuu sii joogo Real Madrid, kadib bandhig cajiib ah oo uu ku muujiyay tartamadii dhowaan dhacay.

Sida laga soo xigtay wargeyska AS, tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa si weyn u amaanay Garcia, isagoo u arka qayb muhiim ah oo ka mid noqonaya mashruuca kooxda sanadaha soo socda.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in maamulka Real Madrid uu si buuxda ugu qanacsan yahay horumarka ciyaaryahanka iyo waxqabadkiisa cajiibka ah, taasoo ka dhigaysa in sii joogitaankiisu yahay mid aad suurtagal u ah.

Garcia, oo ah weeraryahan da’ yar, ayaa si gaar ah u iftiimay intii lagu jiray Koobka Adduunka ee Kooxaha, isagoo si fiican uga faa’iidaystay booskiisa bilowga ah xilli uu maqnaa Kylian Mbappé.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football