Arsenal ayaa diyaar u ah inay dalabkoodii ugu horreeyay u gudbiyaan garabka Chelsea ee Noni Madueke, iyadoo durba heshiis shaqsiyeed lala gaaray ciyaaryahanka.
Sida uu sheegay Fabrizio Romano, Madueke ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis shan sano ah oo uu kula joogi doono Gunners ilaa bisha Juun 2030, heshiiskaasna waxaa horey u oggolaaday wakiilladiisa.
Wararkii hore waxay muujinayeen in Madueke uu u furan yahay inuu u wareego Arsenal, waxaana haatan la filayaa in Gunners ay si rasmi ah u muujiso xiisahooda maadaama wada-hadalladu socdaan.
Chelsea ayaa la filayaa iney go’aan rasmi ah kasoo saarto heshiiska Madueke uu Arsenal la galay.