Warar cusub oo kasoo baxay The Bild iyo warbaahinta gudaha ayaa daaha ka rogay in xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz uu si rasmi ah u diiday heshiis kordhin ay u soo bandhigtay kooxda Liverpool, isaga oo sidoo kale iska diiday dalab qaali ah oo kaga yimid kooxaha Sucuudiga.
Waxaa la sheegay in Luis Diaz uu u sheegay maamulka Liverpool in hal meel oo kaliya uu doonayo; waa Barcelona. Waxaa la fahamsan yahay in uu dareenkiisa iyo rajadiisa ciyaareed u jeediyay Camp Nou, halkaas oo ay kooxdu si dhow isha ugu hayso dhaqdhaqaaqiisa suuqa kala iibsiga.
Arrintan waxay soo baxday iyadoo Diaz iyo lammaantiisa ay bartiisa Instagram-ka soo dhigeen farriimo qalbiga taabanaya oo la xiriira macasalaamaynta Liverpool:
Luis Diaz: “Qof kasta oo u ciyaara astaantan [calanka Liverpool] wuxuu maalin un dareemi doonaa dareenka qiirada leh ee garoonkan. Mahadcelin gaar ah ayaan u dirayaa dhammaan: asxaabteyda ciyaartoyda, shaqaalaha tababarka, shaqaalaha kooxda, iyo taageerayaasha. Xilli ciyaareedkan lama ilaawi karo, qalbigeyga ayuu mar walba ku jiri doonaa!”
Isla markiiba, lammaantiisa ayaa iyaduna muujisay jacaylka ay u qaaday Liverpool iyo taageerayaasheeda:
“Laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay ee aan halkan nimid, waxaan dareennay micnaha dhabta ah ee ka mid noqoshada kooxdaan… Waxaa sharaf noo ah in aan ka mid noqono taageereyaashan. Shaki kuma jiro: waa kuwa ugu fiican dunida!”
Saxaafadda Jarmalka waxay sheegtay in Diaz uu go’aansaday inuu ka tago Liverpool, halka warbaahinta Spain ay si cad u sheegayaan in Barcelona ay diyaar u tahay inay si degdeg ah ula saxiixato.