DEG-DEG! Liverpool Oo Si Cad U Sheegtay Qiimaha Ay Ku Fasaxeyso Luis Díaz!

Garabka reer Colombia ee kooxda Liverpool, Luis Díaz, ayaa la soo sheegayaa inuu u furan yahay ka tagista kooxda Reds inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo ay si weyn u xiiseynayaan kooxaha Al-Nassr ee Sacuudiga iyo Barcelona ee Spain.

Sida lagu daabacay warbixin uu qoray GIVEMESPORT, Liverpool ayaa ku qiimeysay iibka Díaz £72 milyan, kaddib bandhig fiican oo uu sameeyay xilli ciyaareedkii 2024/2025. Kooxda reer England kama cabsaneyso inuu ciyaaryahanku ka tago haddii la helo dalab rasmi ah oo la jaanqaadaya qiimahaas.

Al-Nassr ayaa si xoog leh u doonaysa saxiixa Díaz, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu qanciyo Cristiano Ronaldo inuu kordhiyo heshiiskiisa, iyadoo la muujinayo hammi iyo in lagu xoojiyo kooxda ciyaartoy tayo leh.

Luis Díaz ayaa laba sano uga harsan yihiin qandaraaskiisa uu kula jiro Liverpool, isagoo toddobaadkii mushaar ahaan u qaata £55,000, taasoo siinaysa maamulka kooxda Reds fursad ay si deggan u wajahan dalabyada iyadoo aan cadaadis waqti saarnayn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football