DEG-DEG: Liverpool Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaadhay Marc Guehi

Liverpool ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay daafaca dhexe ee kooxda Crystal Palace, Marc Guehi, sida laga soo xigtay wargeyska DaveOCKOP.

Xiddiga xulka England ayaa xiisaynaya inuu ku biiro Liverpool, wuxuuna aqbalay muddada heshiiska iyo mushaharka ay Reds u soo bandhigeen.

Hadda waxaa la sugayaa labada kooxood — Liverpool iyo Crystal Palace — inay ka heshiiyaan qiimaha iyo shuruudaha kala iibsiga.

Guehi ayaa hore u go’aansaday inuusan saxiixayn heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Palace, taasoo keentay in kooxdaasi diyaar u noqoto inay iibiso. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda waxaa sii adkaynaya in Chelsea ay sharci ahaan u leedahay 20% ka mid ah lacagta iibkiisa mustaqbalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football