DEG-DEG: Lisandro Martinez Oo Iska Diiday Dalab Waalli Ah Oo Uu Ka Helay Koox Weyn

Wararka ka imaanaya Daily Mail ayaa sheegaya in Napoli ay xiiseynayeen Lisandro Martinez, daafaca dhexe ee Manchester United, kadib markii ay horey u muujiyeen xiisaha xiddig kale oo kooxda u ciyaara, Alejandro Garnacho.

Napoli ayaa u arkaysay Martinez fursad jaban maadaama Man United ku qasban tahay inay ciyaartooy iibiyaan kadib markii ay awoodi waayeen iney usoo baxaan Champions League-ka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Martinez ayaa si cad u diiday dalabkaas, isagoo muujiyay inuusan danayneyn inuu u wareego Napoli — xitaa haddii kooxo Champions League ka ciyaaraya xiiseeynayaan.

Daafaca reer Argentina oo 27 sano jir ah ayaa haatan kasoo kabanaya dhaawac jilibka ah oo soo gaaray bishii Febraayo. Wuxuu rajaynayaa inuu diyaar u noqdo kulamada pre-season-ka ayna suurtagal tahay inuu dib ugu soo laabto safka koowaad bisha Sebtembar.

Martinez ayaa ka go’an inuu sii joogo Old Trafford si uu ula guuleysto Manchester United.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football