DEG-DEG: Lewis Skelly Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Arsenal Xilli Lala Xiriirinayay Real Madrid

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in da’yarkooda Myles Anthony Lewis‑Skelly uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo waqti dheer ah, taasoo meesha ka saartay xiisihii uu ka helayay Real Madrid. Wadahadallada ayaa bilaabmay bishii Janaayo, waxaana si dhow ula socday agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta, iyada oo sidoo kale la sii diyaarinayo heshiisyo la mid ah oo ay helayaan xiddigo kale oo ka soo baxay akadeemiyada kooxda.

Heshiiska cusub oo la dhammeystiray ka hor xilliga diyaar-garowga xagaaga, waxa uu keeni doonaa koror weyn oo mushaharka ah, taasoo muujineysa kalsoonida uu tababare Mikel Arteta ku qabo Lewis‑Skelly, oo xilli ciyaareedkii hore si weyn ugu fiicnaa booska daafaca bidix.

Lewis‑Skelly oo ka soo baxay akadeemiyadda Hale End ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ciyaaray 39 kulan oo uu u saftay kooxda koowaad, waxaana uu bishii Maarso dhaliyay gool kulankiisii ugu horreeyay ee uu u safto xulka qaranka England — isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee sidaas sameeya (18 sano, 176 maalmood).

Heshiiska cusub ayaa lagu xaqiijiyay in laacibka mustaqbalkiisa inta ugu badan uu ku qaadan doono waqooyiga London.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football