Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in Kylian Mbappé lagu arkay calaamado cudurka gaaska oo aad u daran (xanuun caloosha iyo mindhicirada ah) isla markaana la dhigay isbitaal si baaritaanno dheeraad ah iyo daaweyn loogu sameeyo.
Bayaanka caafimaad ee kooxda ayaa yiri:
“Kylian Mbappé waxaa la xaqiijiyay inuu qabo gaas daran, waxaana loo qaaday isbitaalka si baaritaanno loogu sameeyo loona siiyo daaweynta loo baahan yahay.”
Kooxdu ma sheegin waqti rasmi ah oo uu ku soo kabanayo, waxayna wali su’aal ka taagan tahay inuu ciyaari doono kulanka xiga ee Real Madrid ee Club World Cup.
Mbappé wuxuu seegay tababarro dhowr ah todobaadkan sababo la xiriira xanuunkii hore, hase yeeshee xaaladdiisa ayaa hadda noqotay mid u baahan daryeel caafimaad oo dhow.
Wixii kusoo kordha xaaladda Mbappé waan idiinla socodsiin doonaa insha Allah.