DEG-DEG: Kooxda As Monaco Oo Shaqada Ka Ceyrisay Leonardo Jardim & Halyeey Arsenal Ah Oo Badali Kara.

Kooxda Monaco ee dalka France ayaa qaadatay go’aan ay shaqada kaga ceyrineyso Leanardo Jardim oo shaqada kooxdaan hayay muddo afar sano ah kadib markii ay kooxda si dhibtoon ku bilaabatay fasalkaan kulamada horyaalka.

Inkastoo aan la hubin wali hadana halyeeygii hore Arsenal Thierry Henry ayaa laga yaabaa inuu noqdo kan xiga ee badala, waxaana jira warar ka imaanaya dalka France oo si aad ah u buun-buuninaya arintaas.

Henry wuxuu waayahiisa ka bilaabay Monaco, wuxuuna ka caawiyay iney ku guuleysato koobka horyaalka France Ligue 1 sanadkii 1997.

Macalinkaan Portugal kasoo jeeda ee hadda laga ceyriyay shaqada kooxdaan Jardim waxaa loo dhiibay xilkaan sanadkii 2014, wuxuu kooxda u hogaamiyay hanashada horyaalka 2017, wuxuuna ahaa markii ugu horreysay tan iyo 2000.

Sidoo kale 44-jirkaan wuxuu Monaco u sahlay Semi Final-ka koobka Champions League 2016/2017, sidoo kalana wuxuu Kylian Mbappe iyo xiddigo kale oo sumcad ku leh yurub ka caawiyay iney heer sare ka gaaraan kubadda cagta.

“Waan ku faraxsanahay, sharaf ayeyna ii tahay inaan maamulayay Monaco muddo afar sano ah, waxaan mar walba siinayay sida iigu fiican oo dareen ku dheehan yahay. Waxaan wada gaarnay guulo waaweyn, waxeyna noqon doonaan kuwa mar walba aan xusuusto” ayuu yiri Jardim.