Barcelona ayaa heshiis hordhac ah oo shan sano ah la gaartay laacibka goolhayaha ah ee Joan Garcia, sida uu ku waramayo Albert Masnou oo ka tirsan SPORT.
Goolhayaha 24-jirka ah ee kooxda Espanyol ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda koowaad ee Barcelona toddobaadka soo socda, kadib markii la xaqiijiyay inuu ka gudbay dhammaan caqabadihii ugu dambeeyay ee heshiiska. Waxaa lagu wadaa inuu loolan buuxa u galo booska goolhayaha koowaad.
Barcelona waxay qorsheyneysaa inay si rasmi ah u dhammaystirto heshiiska iyadoo bixineysa 25 milyan euro, oo ah qodobka fasaxa ee Garcia. Laacibka ayaa u arka Barca inay tahay fursad qiimo leh oo horumarinaysa mustaqbalkiisa ciyaareed iyo mid dhaqaale.
In kasta oo laga hadlayay in Garcia la amaahiyo kooxo kale si uu waqti u helo, isaga iyo kooxdiisa waxay dalbadeen in si toos ah uu ugu tartamo booska goolhayaha koowaad. Inkastoo uu markii hore ka labalabeeyay inuu ka tago Espanyol oo uu u wareego Barcelona, haddana danayn cad oo ka timid Barca iyo baahi la’aan ka jirtay Premier League ayaa ku qancisay inuu aqbalo.
Garcia wuxuu haatan haystaa kalsooni buuxda oo ka timid tababare Hansi Flick iyo kooxda farsamada ee uu hogaamiyo Deco. Waxaa la filayaa in heshiisku si rasmi ah loogu dhawaaqo toddobaadka dambe.