DEG-DEG: Garnacho Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Manchester United

Sida laga soo xigtay The Athletic, tababare Ruben Amorim ayaa u sheegay Alejandro Garnacho inuu raadsado koox cusub xagaagan.

Xiddiga garabka uga ciyaara Man United ayaa kaliya helay 20 daqiiqo kulankii kama dambeysta ahaa ee Europa League, ka dibna wuxuu muujiyay caro iyo niyad-jab wareysi uu bixiyay kulanka kadib.

Hadda, lamaanihiisa Eva Garcia ayaa si dadban u xaqiijisay inuu Garnacho ka tagayo kooxda, iyadoo waxyar ka harsan tahay kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Garcia waxay barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir muujinaya in wiilka yar ee Garnacho uu xirnaa funaanadda Man United, taasoo la rumeysan yahay inuu u socday daawashada ciyaarta ka dhanka ah Aston Villa.

Qoraalka sawirka ayay ku dartay “last match” (ciyaartii ugu dambeysay) iyadoo raacisay emoji ilmeynaya iyo mid wadne ah — taasoo muujineysa in ciyaaryahanku ku sugan yahay xaalad macsalaamo ah.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football