Kabtanka Manchester United iyo xiddiga xulka Portugal Bruno Fernandes ayaa si rasmi ah u diiday dalab mushaar waali ah oo kaga yimid kooxda reer Sucuudi ee Al-Hilal, sida uu xaqiijiyay khabiirka suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano.
Inkasta oo Al-Hilal ay hor dhigtay heshiis dhaqaale oo cajiib ah, Bruno ayaa doortay in uu sii joogo Yurub si uu uga sii ciyaaro heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.
Romano: “Bruno Fernandes wuu diiday dalabkii Al-Hilal. Inkastoo uu ahaa mid waali ah, Bruno wuxuu doorbidayaa inuu ka sii ciyaaro heerka ugu sarreeya ee Yurub. Wuxuu doonayaa tartan dhab ah, go’aankuna waa la gaaray.”
Fernandes, oo haatan 30 sano jir ah, wuxuu xilli ciyaareedkii 2024-25 la kulmay niyad-jab wayn kadib markii Manchester United ay ku dhammeysatay kaalinta 15-aad ee Premier League, isla markaana laga qaaday final-kii Europa League ee ay la ciyaareen Tottenham.
Inkasta oo uu Bruno hoos u dhigay dalabka Al-Hilal – oo ay rabtay inuu raaco dariiqa saaxiibkiisii hore Cristiano Ronaldo, kaasoo isna ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Sucuudiga – haddana ma jiro dammaanad rasmi ah in Fernandes uu sii joogi doono Old Trafford.
Su’aalaha ku saabsan mustaqbalkiisa ayaa sii kordhaya, iyadoo Manchester United la filayo inay sameyso isbeddello culus xagaagan, waxaana la sugayaa haddii kooxo kale oo Yurub ay u dhaqaaqaan saxiixiisa.