Garabka weerarka Liverpool, Luis Diaz, ayaa noqday mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee Barcelona suuqa kala iibsiga xagaagan soo socda.
Inkastoo qiimaha heshiiska uu aad u sarreeyo isla markaana Barcelona weli la daalaa dhaceyso dhibaatooyinka diiwaangelinta ciyaartoyda, haddana, sida uu sheegay weriyaha suuqa Florian Plettenberg, wadahadallo hordhac ah oo ku saabsan Luis Diaz iyo Barcelona ayaa horay u dhacay.
Dhanka kale, xiisaha kaga imaanaya kooxaha Sucuudigu wuu sii xoogeysanayaa.
Inkasta oo DÃaz uu haatan qandaraas kula jiro Liverpool ilaa sanadka 2027, hadana hubanti la’aanta ku saabsan kordhinta qandaraaskiisa ayaa dhalisay hadal heyn ku saabsan mustaqbalkiisa.
Luis Diaz ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 17 gool wuxuuna sameeyay 5 caawin 50 kulan oo uu u saftay Reds.