Sida ay warinayso Diario AS, Agaasimaha Isboortiga ee Barcelona, Deco, ayaa si rasmi ah ganafka ugu dhuftay xiisihii kooxda ee weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford.
Rashford Maaha Mudnaanta Koowaad:
Deco uma tixgelinayo Rashford sida bartilmaameed muhiim ah suuqa xagaagan.
In kasta oo wakiilka Rashford uu riixayo heshiis uu laacibku ugu wareegayo Camp Nou, Deco ayaa go’aansaday in la joojiyo wadaxaajoodyada.
Mudnaanta Waa Luis Diaz:
Deco wuxuu si gaar ah u doonayaa Luis Diaz, xiddiga Liverpool.
Waxa uu u arkaa laacib tayo leh oo firfircoon oo ka ciyaari kara meelo badan oo weerarka ah, isagoo taageero siin kara ciyaartoyda da’yarta ee kooxda.
Dhaqaale ahaan:
Luis Diaz ayaa lagu qiimeeyaa saxiixiisa qarash ka badan kan Rashford, taas oo Barcelona u keeni karta caqabado dhaqaale.
Rashford waxaa lagu heli karaa ku dhawaad €40m, halka Diaz ay Liverpool si adag u difaaceyso, qiima ahaanna uu sare u kacay.
Inkasta oo Rashford la rumeysan yahay inuu diyaar u yahay ka tagista United, Barcelona ma ahan mid hadda diyaar u ah iney qaadato. Deco. wuxuu si cad u muujiyay in haddii kooxdu ciyaaryahan cusub keento garabka bidix, In Luis Diaz uu noqonayo dookha koowaad.