Kooxda Athletic Club ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in garabka weerarka, Nico Williams, uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo socon doona ilaa sanadka 2035, taasoo macnaheedu yahay in mid ka mid ah xiddigaha ugu hibada badan Spain uu sii joogayo San Mamés mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Williams, oo 22 jir ah, ayaa kasoo baxay akadeemiyadda da’yarta ee Athletic, wuxuuna si degdeg ah uga mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda iyo xulka qaranka Spain. Heshiiska cusub wuxuu muujinayaa sida ay kooxda Bilbao uga go’an tahay inay sii haysato xiddigaheeda maxalliga ah, xilli uu Nico si xoogan u daneynayay kooxaha sida Barcelona iyo Bayern Munich.
Sanadihii la soo dhaafay, Nico Williams wuxuu kusoo baxay xiddig lagu xisaabtamo, isagoo caan ku ah xawaaraha, xirfadda iyo goolasha uu abuuro, taasoo u suurtagelisay inuu helo boos joogto ah oo safka hore ah.
Heshiiskan cusub wuxuu fariin cad u yahay kooxaha kale ee Yurub oo u hanqal taagayay laacibkan – Athletic Club waxay dooneysaa inay koox adag dhisto iyadoo aan ka leexan dhaqankeeda ah horumarinta ciyaartooyda deegaanka.
Taageerayaasha kooxda iyo maamulka sare waxay rajo weyn ka qabaan in Nico Williams uu sii kobcin doono xirfaddiisa, isla markaana gacan ka geysan doono u tartamida horyaalka Spain iyo koobabka Yurub.