Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay la gaartay heshiis hordhac ah oo waqti dheer ah laacibka garabka uga ciyaara Athletic Club, Nico Williams, sida uu daabacay wargeyska Foot Mercato. Laacibka 22-jirka ah ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis gaaraya ilaa Juun 2031, isagoo mushaar ahaan u qaadan doona €12 milyan sanadkii.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Nico Williams uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Catalan-ka kaddib wadahadallo u dhexeeyay wakiilkiisa Felix Tainta iyo madaxda sare ee Barcelona, oo uu ku jiro agaasimaha isboortiga Deco. Laacibka reer Spain ayaa la sheegay inuu ku qanacsan yahay shuruudaha dhaqaale ee loo soo bandhigay, kuwaas oo la mid ah kuwii horey loogu soo jeediyay.
Inkastoo heshiiska si rasmi ah loo dhammeystirin, Barcelona ayaa haatan diiradda saareysa sidii ay u dhaqaajin lahayd qodobka lagu burburin karo qandaraaska Williams, kaas oo lagu qiyaasay inuu u dhexeeyo €58m ilaa €62m. Wadahadallo ayaa socda si looga heshiiyo qaabka lacag bixinta iyadoo la eegayo xeerarka adag ee mushaharka La Liga.
Nico Williams, oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay u dhaliyay Athletic Club 11 gool kana caawiyay 7 kale, ayaa si weyn u soo jiitay kooxo badan oo waaweyn sida Bayern Munich iyo kooxo Premier League ah. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya inuu si gaar ah u doorbidayo u wareegidda Barcelona, maadaama uu doonayo inuu la midoobo saaxiibkiis dhow, Lamine Yamal.