Barcelona ayaa wajahaysa caqabado cusub oo ku saabsan saxiixa garabka Athletic Club, Nico Williams, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo. Inkastoo Nico si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro kooxda Camp Nou, wada-hadalladii u dhexeeyay kooxda iyo wakiilkiisa ayaa istaagay toddobaadkan.
Labada dhinac waxay horay uga heshiiyeen qandaraas lix sano ah iyo mushaar, balse markii la gaaray marxaladda ugu dambeysa ee heshiiska, qodobbo cusub ayaa soo baxay. Wakiilka Nico wuxuu dalbanayaa dammaanad qaad buuxda oo la xiriirta diiwaangelinta ciyaaryahanka, isagoo ka cabsi qaba arrimihii hore ee kooxda la tacaashay sida diiwaangelintii Dani Olmo iyo Pau VÃctor.
Barcelona waxay sheegtay in xaaladdeeda dhaqaale ay hagaagsan tahay, balse wakiilka ciyaaryahanka wuu diiday ballanqaadyadaas afka ah. Athletic Club ayaa si dhow ula socota xaaladda, iyadoo kulan la qaadatay La Liga si ay u su’aalaan awoodda dhaqaale ee Barça.
Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa weli xiisaynaysa Nico, waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa. Athletic Club ayaa doorbideysa in laacibku u wareego Bayern halkii uu ku biiri lahaa kooxda cadaawadda ay ka dhaxeyso – Barcelona.