Kooxda Barcelona ayaa si buuxda uga shaqeynaysa si ay u dhammeystirto saxiixa Nico Williams xagaagan. Xiddigan 22-jirka ah ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ku biiro kooxda reer Catalonia, iyadoo durbadiiba kulan dhex maray agaasimaha Barcelona, Deco, iyo wakiilka ciyaaryahanka, Felix Tainta.
Warbixin uu qoray Sport ayaa sheegtay in Deco lagu arkay garoonka diyaaradaha ee Barcelona isagoo u safraya Ibiza, waxaana la socday Bojan Krkic iyo xubno ka tirsan shaqaalaha farsamada ee kooxda. Waxaa la filayaa inay markale la kulmaan Tainta si ay u dhamaystiraan arrimaha heshiiska.
Saxafiga Sport, Carlos Monfort, ayaa xaqiijiyay in kulankaas diiradda lagu saarayo dhameystirka arrimaha dhaqaale si Nico loogu diiwaangeliyo kooxda si rasmi ah. Barcelona waxay rumeysan tahay in heshiisku marayo heerkii ugu dambeeyay.
Inkastoo Nico Williams uu helay dalabyo ka yimid kooxo kale oo waaweyn, haddana waxaa ka go’an inuu ku biiro Barcelona. Wararka gudaha Spain ayaa sheegaya inuu durba jiro heshiis hordhac ah oo u dhexeeya labada dhinac.