DEG-DEG: Abaalmarinta Xiddiga Bisha September Ee Horyaalka Premier League Oo La Bixiyay – Yaase Ku Guuleystay?

Eden Hazard ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii Septmber ee lasoo dhaafay, waxaana la gudoonsiiyay abaalmarinta ay bixiso shirkadda EA SPORTS kadib codeyn dhinacyo badan ah oo la sameeyay.

Xiddigaan reer Belgium ayaa shabaqa soo taabsiiyay shan gool, 4-kulan uu ciyaaray September, sidoo kalana wuxuu kooxdiisa ka saaciday inaan ilaa iyo hadda laga adkaan taasoo ka dhigan iney Blues ka mid tahay saddexda kooxood ee aan tartamada oo dhan laga adkaan shanta horyaal ee ugu waaweyn.

Saddexley ayuu ka dhaliyay Cardiff, waxaana u raacay laba gool uu ka dhaliyay kooxaha Bournemouth iyo Liverpool, waana markii labaad uu abaalmarintaan ku guuleysto maadaama uu October 2016 hantay sidoo kale abaalmarinta.

27-jirkaan wuxuu tartan adag la galay shan xiddig oo kale, wuxuuna helay codadka ugu badan ee ka kala yimid taagerayaasha horyaalka ee ku codeeyay baraha bulshada, xeer beegti khabiiro ah oo laga soo aruuriyay horyaalka iyo sidoo kale kabtanda dhamaan kooxaha horyaalka.

Ciyaartoyda la tartameysay:

Willy Boly (WOL)
Eden Hazard (CHE)
Alexandre Lacazette (ARS)
James Maddison (LEI)
Gylfi Sigurdsson (EVE)
Raheem Sterling (MCI)