Dean Huijsen Oo Sharaxay Sababta Uu Chelsea Iyo Arsenal U Diiday Si Uu Real Madrid Ugu Biiro

Dean Huijsen ayaa si rasmi ah ugu biiray Real Madrid, isagoo iska diiday xiisihii ay u muujiyeen kooxaha Chelsea, Arsenal, Manchester United, iyo Newcastle. Daafacan 20-jirka ah ayaa yiri: “Ma eegin koox kale markii Real Madrid ay ila soo xiriirtay.”

Real Madrid ayaa bixisay lacagta qandaraaskiisa £50-ka milyan lagu burburin karo, kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay Premier League-ga, halkaas oo uu  ku saftay 36 kulan dhammaan tartamada, wuxuuna caan ku noqday inuu yahay mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu hibada badan Yurub.

Huijsen oo hore ugu soo ciyaaray Juventus ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah wuxuuna xiran doonaa lambarka 24-aad, oo markii ugu dambeysay uu xirnaa Arda Güler.

Intii lagu jiray xafladda uu kaga dhawaaqayay ku biiristiisa kooxda, isagoo ay garab taagnaayeen waalidiintiis, Huijsen wuxuu yiri:

“Waxaan rabay inaan maalintii ugu horreysayba halkaan joogo. Markii Real Madrid ay ii soo yeertay, koox kale indhaha kumaba eegin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football