De Ligt Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Nidaamka Saddexda Daafac Ee Ruben Amorim

Daafaca dhexe ee Manchester United, Matthijs de Ligt, ayaa ka hadlay ciyaarista nidaamka saddexda daafac ah (back-three) oo uu kooxda kula qaatay waqtiyo badan xilli ciyaareedkan.

De Ligt ayaa yiri:

“Nidaamkan hore ayaan u ciyaaray, balse ma ahayn mid aan todobaad walba ciyaaro. Mararka qaar, waxaan ciyaarnay kulan si gaar ah aan u isticmaalnay shan daafac. Xulka qaranka Netherlands, tusaale ahaan, tartan ayaan ku ciyaarnay shan daafac.”

“Taasi waa mid aan jeclahay. Aniga waxaan kusoo barbaaray afar daafac, sidaas darteed markii hore way igu adkayd in aan todobaad walba sidaas u ciyaaro.”

“Laakiin hadda, si dhab ah ayaan ula qabsaday nidaamka, waana ogahay in nidaam walba leeyahay faa’iidooyin iyo cillado.”

“Nidaamkan sidoo kale waa sidaas. Laakiin illaa hadda, waan ku qanacsanahay qaabka aan u ciyaarayo iyo sida aan dareemayo markaan nidaamkan ku jiro.”

De Ligt ayaa la filayaa inuu door weyn ka ciyaaro xilli ciyaareedka cusub iyadoo Manchester United ay sii waddo isbedello dhanka qaab ciyaareedka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football