Laacibka khadka dhexe ee Manchester City ka tagaya, Kevin De Bruyne, ayaa diiday dalabyo uga yimid laba kooxood oo Premier League ah kahor inta uusan heshiis la gaarin Napoli inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddiga 33-jirka ah ayaa hore u shaaciyay xilli ciyaareedkan in uu ka tegi doono Man City kaddib markii kooxda Cityzens ay ku guuldareysteen inay cusbooneysiiyaan qandaraaskiisa.
Laacibkan ayaa u dhaliyay Man City in ka badan 100 gool, waxaana uu sameeyay 177 caawin (assists), taasoo ka dhigaysa xiddiga labaad ee ugu caawinta badan taariikhda Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, De Bruyne waxaa lala xiriiriyay ugu yaraan laba kooxood oo Premier League ah iyo kooxda horyaalka Serie A ee Napoli, tan iyo markii uu shaaciyay inuu ka tagayo kooxda Pep Guardiola xagaagan.
Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday talkSPORT, kooxaha Premier League ee isku dayay inay helaan De Bruyne waa Aston Villa iyo West Ham United.
Laakiin xiddigii hore ee VfL Wolfsburg ayaa ka caga-jiiday inuu ku biiro koox kale oo Ingiriis ah, wuxuuna u muuqdaa mid doortay Napoli inay noqoto kooxdiisa cusub.
Toddobaadkii hore ayuu De Bruyne ogolaaday inuu ku biiro Napoli, kaddib markii uu heshiis hordhac ah la gaaray kooxda uu hoggaamiyo Antonio Conte.
De Bruyne ayaa la siiyay heshiis saddex sano ah oo qiimihiisu yahay €17 milyan si uu ugu biiro Napoli.