David Alaba Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Real Madrid

David Alaba ayaa si cad ugu sheegay tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, inuusan qorsheyneyn inuu ka tago kooxda xagaagan, sida laga soo xigtay Defensa Central. Inkasta oo ay jireen warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa, Alaba wuxuu doorbiday inuu sii joogo.

Difaaca reer Austria ayaa wajahay bilo adag, kaddib dhaawac jilibka ah oo halis ahaa kaasoo uu ku seegay inta badan xilli ciyaareedkii hore. Taas ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sii joogitaankiisa kooxda.

Si kastaba, Alaba ayaa la sheegay inuu Alonso u sheegay: “Xabi, waan joogayaa, waxaan diyaar u ahay inaan u caawiyo kooxda si kasta oo aan karo.”

Real Madrid ayaa u oggolaatay in Alaba go’aan ka qaato mustaqbalkiisa, waxayna ixtiraamayaan rabitaankiisa. Inkastoo kooxda ay ka fekeraysay in la iibiyo si loo yareeyo kharashaadka, iyadoo mushaharkiisu yahay €13 milyan sanadkii (gross), go’aankiisa uu ku taageerayo mashruuca cusub ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay qolka labiska ee kooxda.

Tani waxay caddeyneysaa sida Alaba uga go’an tahay inuu kaalin firfircoon ka qaato dhismaha kooxda xilli ciyaareedka cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football