Dani Carvajal ayaa si cad u muujiyay in uu u furanyahay inuu ka dhaqaaqo kubadda cagta Yurub marka uu dhamaado heshiiskiisa Real Madrid bisha Juun ee sanadka 2026. Daafaca 33 jirka ah ayaa la hadlay warbaahinta rasmiga ah ee FIFA, isagoo qirtay in uu durba ka fikirayo wejiga xiga ee xirfaddiisa ciyaareed, isagoo tilmaamay in Major League Soccer (MLS) ee Maraykanku ay kamid tahay meelaha uu ku hamminayo.
“Haa, dabcan. Waxaan horey u qabtay wareysiyo hore in maalinta aan ka tago Real Madrid, ama maalinta aan go’aansado inaan sii wadi doonin ciyaarista kubadda cagta,waxaan jeclaan lahaa inaan tijaabiyo horyaal ka baxsan Yurub. MLS waa mid ka mid ah xulashooyinkeyga,” ayuu yiri Carvajal.
Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta uusan mustaqbalka fog ka fikirin, Carvajal wuxuu si buuxda diiradda u saarayaa tartanka FIFA Club World Cup, oo bishan Juun ka bilaabanaya gudaha Mareykanka. Real Madrid ayaa kulankooda ugu horreeya la ciyaari doonta Al Hilal 18-ka Juun, waxaana Carvajal u arkaa fursad cusub oo uu ku kororsan karo koobabkiisa caalamiga ah.
“Waa tartan cusub, nooc koob aduun oo super ah sida magaciisa ka muuqata, waxaana ka qeyb galaya kooxaha ugu fiican adduunka. Aniga iyo kooxda Real Madrid labadaba aad ayaan ugu faraxsanahay. Marka la isku daro qaab ciyaareedyo kala duwan, horyaallo iyo qaarado, waxaa laga dhaxlayaa tartan aad u gaar ah,” ayuu faahfaahiyay.
Carvajal wuxuu sidoo kale dib u xasuustay kulamadii ay kooxdiisu la ciyaartay kooxo ka baxsan Yurub. “Sanadkan waxaan la ciyaarnay kooxo ay kamid yihiin Pachuca iyo Salzburg, markaa khibrad yar waan heysanaa. Waxaan sugeynaa in si xiiso leh uu u dhaco kulankaas ugu horreeya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.