Dani Carvajal Oo Dib Ugu Soo Laaban Kara Real Madrid Kulanka Celta Vigo & Xiddigaha Kale Ee La Heli Karo.

Daafaca midig ee Real Madrid Dani Carvajal ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto kooxda kulanka Celta Vigo, waana war u qurux badan tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxda Santiago Solari.

Macalinkaan talada kooxda loo dhiibay markii la ceyriyay Julen Lopetegui ayaa si fiican u maareeyay kooxda walina wax guuldaro ah lama kulmin, sidoo kalana wax gool ah lagama dhalin mudada uu kooxda hayo.

Kaliya laba xiddig ayaan la tababaran kooxda waana Jesus Vallejo iyo Mariano Diaz, balse waxaa war wanaagsan ah in la heli karo xiddigo muhiim ah sida Dani Carvajal oo aan kooxda u ciyaarin mudooyinkii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Marcelo iyo Varane laga yaabaa iney kooxda dib ugu soo laabtaan, waana sheeko sii qurxineysa wakhtiga macalinka reer Argentina kaas oo saddex guulood gaaray.

Santiago Solari wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto shaqada tababaranimo ee kooxda maadaama kadib kulanka Celta Vigo ay maamulka Madrid gaari doonaan go’aan kama dambeys ah oo la xiriira ah cidda wadi doonta kooxda.