Dani Alves Oo Sheegay In La Shaqeynta Pep Guardiola Ay Ka Fiican Tahay Galmada Iyo Guardiola Oo Jawaab Cajiib Ah Ka Bixiyay

Tababare Pep Guardiola ayaa ka hadlay sheegashadii Dani Alves kaasoo sheegay in la shaqeynta Pep Guardiola ay ka fiican tahay galmada.

Daafaca midig ee Paris Saint-Germain ayaa hadalkaan ka sheegay dukumiintiri cusub oo looga hadlayo waqtigii Gaurdiola ee Barcelona halkaasoo ay ku soo wada guuleysteen seddex koob oo horyaalka La Liga iyo labo koob oo Champions League ah.

Markii la weydiiyay waxa uu ka dhahayo hadalka Dani Alves, shirkiisii jaraa’id ee maanta, Guardiola ayaa ku jawaabay: “Aniga galmada doorbidi lahaa”

Markii la weydiiyay sababta ay ciyaartoy badan u jecel yihiin tababarkiisa, Guardiola ayaa fursadaas uga faa’ideystay inuu ku duro Zlatan Ibrahimovic kaasoo sida la ogyahay ay isku dhaceen waqtigoodii Barcelona.

“Waxaan arki karaa liis dheer oo ciyaartoy iyagana i neceb, waxaa kale oo jira liis dheer oo ciyaartoy wax badan i jecel sida Dani” ayuu yiri.

“Waxaa jira ciyaartoy ka timid Sweden iyo meelo kale kuwaasoo aan si weyn ii jecleyn.

“Caadiyan waxay taasi dhacdaa marka ay dadku si joogta ah u ciyaareynin, markaas kuuma noqonayaan taageero weyn. Waa isku daynaa inaan ka dhaadhicino go’aankeena laakiin mar wey shaqeysaa marna ma shaqeyso.”

Alves ayaa ku dhawaaday inuu Guardiola la midoobo sannadii 2016 laakiin waqti danbe ayuu maankiisa bedelay isagoo bedelkii Manchester City ku biiray Paris Saint-Germain.

“Wax walba waa la dhameeyay oo aan ugu biiri lahaa Manchester City laakiin ma aysan dhicin sababo la xiriira go’aanka qoyskeyga.” ayuu yiri Dani Alves.