Dani Alves Oo Ka Sheekeeyay Sida Uu Ugu Dhawaaday Ku Biirista Chelsea & Cidda Sababtay Burburka Heshiiska.

Daafacii hore Barcelona Dani Alves ayaa shaaca ka qaaday inuu aaminsanaa heshiiska uu ugu wareegayo Blues in la dhameeyay, balse ay kooxda ka dhisan galbeedka London sabab u noqotay inuu burburo heshiiska 11-sanadood ka hor.

Xiddiga reer Brazil wuxuu ku dhex nool yahay kubadda cagta muddo badan, wuxuuna kula raaxeystay kooxaha Sevilla, Barcelona, Juventus iyo Paris Saint Germain waqtiyo koobab qurux badan ah intii uu matalayay.

Haatan waa 35-jir wuxuuna hantay 39-koob oo qaaradda yurub ah oo ay ku jiraan horyaalada iyo Super Cup saddex wadan oo kala duwan, sidoo kale wuxuu hantay labada koob ee ugu waaweyn qaaradda yurub dhanka kooxaha Champions League & Europa League.

Dani Alves oo 107 ciyaarood matalay qaranka Brazil ayaa ku dhawaaday inuu sanadkii 2007 u wareego horyaalka Premier League maadaama uu fasalkaas wakhti qurux badan la qaatay Sevilla.

Waxey sanadkaas hanteen Copa Del Rey iyo sidoo kale UEFA Cup oo ay Espanyol kaga qaadeen garoonka Hampden Park.

“Uma dhaqaaqin Chelsea sababtoo ah kooxda, ma ahan wax aniga igu saabsan” ayuu yiri Dani Alves oo la hadlayay Sky Sports.

“Waxaan u maleynayay in la dhameeyay isla markaasna aan halkaas aadayo si aan ula shaqeeyo Jose Mourinho”

“Ma garan karo hadii uu helay warbixin kale taasoo ah inaan aniga dooneyn inaan halkaas aado ama wax kale, sababtoo ah tan iyo markaas xiriirkeena ma uusan aheyn mid wanaagsan, balse ma ahan wax aan qalad ku leeyahay”

“Waxaan ku qanacsanaa inaan isaga la shaqeeyo isla markaana aan ka mid noqdo kooxdiisa”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.