DAGAAL CUSUB: Ousmane Dembele Oo Si Xun Ugu Dhega-hadlay Lamine Yamal Iyo Mo Salah

Xiddiga garabka uga ciyaara Paris Saint-Germain, Ousmane Dembele, ayaa si weyn loogu hadal hayaa inuu ku guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan 2025, kaddib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu muujiyay. Inkasta oo uu gool-dhalintiisu yara hoos u dhacday bilihii u dambeeyay, Dembele ayaa durba dhaliyay 25 gool sanadkan gudihiis.

Ka hor kulanka kama dambaysta Champions League ee PSG ay la ciyaari doonto Inter Milan, Dembele wuxuu xoogga saaraya guusha kooxda halkii uu ka fikirilahaa abaalmarin shaqsiga ah ee ballon d’Or. Isagoo la hadlay TNT Sports, Dembele wuxuu yiri:

“Dadka oo dhan way igala hadlayaan arrintaas (Ballon d’Or), laakiin sida aan hore u sheegay, kahor intaadan ka fikirin Ballon d’Or, waa inaad marka hore ku guuleysataa Champions League.”

Dembele wuxuu xusay in guusha kooxdu ay ka muhiimsan tahay guulaha shaqsiga ah:

“Markaad tahay ciyaaryahan PSG ah, waxaa jira waxyaabo ka muhiimsan abaalmarino shaqsiyeed – waa inaad u fikirtaa sidii kooxda loogu keeni lahaa koob.”

Dembele ayaa durba la qaaday PSG Ligue 1, Coupe de France, iyo Trophée des Champions sannadkan. Haddii uu PSG ku hoggaamiyo hanashada Champions League, fursadiisa Ballon d’Or aad bay u kordhi doontaa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football