DAAWO | X-X Q=33aad X X Maxaad Loola Jeedaa Magaca DOON ? Ronaldo Miyaa Leh ? Halkeese laga Keenay

Kulanti wacan oo wanaagsan daawaydaasheena qiimaha & qadarinta inaga mudan waxaad kusoo dhawaataan xalqadii 33aad ee Xubinta Xaqiiqooyinka xidigaha.
Xubintan oo aad si toos ah ugala socaneysaan Bogeena ayaa maanta waxaanu ku eegi doonaa Xalqada 33aad.
Jamaahiirta Kubadda waxey Jecelyihiin in Xidigahooda ay kukala Saaraan Naaneysyo kala Duwan oo ay ku Mutaan Bandhigooda, Naaneysyadaas waxey ku Haraan Caqliga & Xususta Bulshada Xataa Marka ay isla Casilaan Kubadda Cagta, Naaneysyadaasi waxaa Kamid ah Naaneysta Doon.

Naaneystani Waa mid hadal heyn badan ka dhexshiday bulshada Isboortiga Xiliyadii ugu Dambeeyey, & Cida Xaq uleh Magaca Doon balse waa lagu kala Aragti duwan yahay arinta, Dadka qaarkii waxey u arkaan in wiilka reer Portugal Cristiano Ronaldo uu yahay midka ugu Xaqa leh Naaneystan halka kuwa kalena ay u arkaan inuu Leeyahay Xidigii hore ee Kooxda Barca Iniesta, qaadashada Ronaldana ayku Timid kaliya Dadaal Shaqsiyadeed & kalmad uu Adeegsado Tabiyaha Loogu Jecel yahay ee loo yaqaano Boqorka Tabinta “Malikul Mucaliqiin” Ninka Reer Tunis Cisaam Al Shawaali Taasina ay Tahay Sirta ka dambeysa Faafida Arintaasi balse muuqaalkan Waxaan idin kusoo gudbin doonaa Cida Rasmiga ee leh Magacaasi Ma iniesta mise Ronaldo ama Labadooda Nala daawo Muuqaalkan.

Marka Hore aan eegno Magaca Doon Maxaa loola Jeedaa qeexid ahaan ?

Naaneysta Doon waa Magac Laga soo Minguuriyey Dalalka Spain,Portuqeeska & Taliyaaniga asalkeeduna Yahay Kalmad Irish, Waxaa lasiiyaa Shaqsiga si Caalamad ugu Noqoto Una Ixtiraamto Bulshada Micnaheeduna waa:- “Hogaamiye Madax Ama Sayid”, Waana Magac intooda badan loogu Magac dari jiray Nopaladii Spain & shaqsiyaadka qaar ee Gaaray Meel sareysa Waxaana loogu Yeeri jiray Inta Badan Madaxda Dalka Spain, iyo Kaadiriinta Kale ee Dalka.

Naaneystaasi waa Mid jirtay Kahor iniesta & Ronaldo Waana mid qaldan shaqsiga aamina in Naaneystan ay tahay mid laga Xaday laacib mid kalena qaatay Sida bulshada Ay si weyn u hadal heyso.

1. Andres iniesta Lugian Xidigan Waxa lagu Naaneysaa Rasaam bulshada kubadda cagta dhexdeeda Lkn Spain waxaa lagu naaneysaa Doon kadib markii uu helay Laba abaal Marin oo heer Boqor ah markaa oo uu gool u dhaliyey Xulka la Roja Dhamaadkii Koobkii dunida ee ka dhacay Dalka Koofur Afrika 2010kii Markaas oo ay ka hortagayeen Xulka Holand, Waxa uu Helay abaalmarinta Amiirka Astorias 2010 kii & Biladda Ciyaariyahanka Boqortooyada Sanadkii 2011 Kii, Ka Tusaale ahaan Mid kamid ah halyeeyada Spain ee baalka dahabka ka galay Taariikhda Dalkaasi, Waxaana bulshada Reer Spain ay kutilmaantay Boqor, Tan & Markaas Warbaahinta Spain ayaa bilwday Iniesta iney ugu yeeraan Naaneysta Doon Waxaana uu Noqday Hogaamiyaha Rasmiga ee Barcelona kahor inta aan si qurux badan loo Macsalaameynin Xili Ciyaareedkii Tagay.

Cristiano Ronaldo hore Waxaa loogu Yaqaanay Doon Halyeygii hore ee Real Madrid De Istifano.

Waqtigii Real Madrid Macalinka u ahaa Carlo Anchaloti Cristiano Waxa uu Barnabue kusoo bandhigay Qaab Ciyaareed Cajiib ahaa oo sabab u noqday Gudoonsiinta Abaalmarino kala duwan Shaqsi ahaan & wadar ahaanba, Gudoomiyaha Real Madrid Florentina Prez & Xidigo hore oo Real ah Sida halyeey kinto ayaa so bandhigay in loo hibeeyo Magaca Doon Xidiga reer Portuqaal lagana Yeelo Dhaxalka Rasmiga ee De Stefano, Waxaana Sidaas sharci ahaan uu ku Noqday Dhaxalka Rasmiga Ee Real Madrid halyeey gooda hore ee Di Estifano.

Balse Wararkale oo aan la Xaqiijin ayaa Tilmaamaya In Naaneysta Doon ayka Dambeysay Markii uu Helay Ronaldo Biladda Weyn ee Loo Yaqaano Biladda Invantidon Erikey kaas oo uu Gudoonsiyey Madaxweynaha dalkaasi Portuqeeska Sabadkii 2014kii Taas oo lagu weyneynayo Horumarka Balaaran ee Nafsadiisu uu Gaarsiiyey & Waxqabadkiisii aan lahalmaami karin ee dalkiisa.

Sheekadu Waxey tahay Micnaha doon Waa Hogaamiye Taageerayaasha Ronaldo waxey u arkaan inuu Yahay Hogaamiyaha Yurub Sidaa daraadeed waxey ugu yeeraan Doon ama Hogaamiye maadaama uu 5 Jeer Noqday kan ugu Fiican Caalamka, Waa Ninka ugu Gool dhalinta badan Horyaalka Yurub Taariikhda Sidaas ayey Dadka Jecel uga Soocaan Xidigaha kale Magacanna ugu Yeeraan.

Gabagabadii Andres Iniest Lugian Waa Ninka usaaxiibka ah ama leh Naaneysta doon Rasmi ahaan halka Tan Ronaldo ay shaki kujirto Sababo ku aadan Iyadoo daliil cad aan loo Heynin waxaase Xusid Mudan Naaneystan ineysan Waxna soo Kordhineynin Waxbana ka Naaqusineynin Qiimaha Xidigahan Iniesta & Ronaldo kuwaas oo ku tilmaaman kuwa ugu Fiican boosaskooda Taariikhda.

Waxaa Falanqeynaya C/qaadir Qeyska