DAAWO | X-X Q=31aad Qisada Qaabkii Rebry uuku qaatay Diinta Islaamka & Shilkii uuku dhiman gaaray & Cida Muslimisay

Kulanti wacan oo wanaagsan daawaydaasheena qiimaha & qadarinta inaga mudan waxaad kusoo dhawaataan xalqadii 31aad ee Xubinta Xaqiiqooyinka xidigaha.
Xubintan oo aad si toos ah ugala socaneysaan Bogeena ayaa maanta waxaanu ku eegi doonaa Xalqada 31aad.
Waxbadan ayaad Aragtaan Xidigo badan oo Muslim ah oo ciyaara kubadda Cagta  Balse kan Waa kaduwan yahay Waa Muslim lkn Waxaa Qaatay Diinta Suuban ee Islaamka, Frank Rebry Ama Bilaal, Maxaad ka Taqaanaa Nolosha Xidigan Muslimka Qaabkii uuku qaatay Diinteena Suuban ee Islaamka, Maxaad kala Socotaa Doorkii Gabadha uu qabo ee Wahiiba Bilhaame, Shirkii Gaari ee Seejin Gaaray Naftiisa, Muxuu udoortay Magaca Bilaal Ibnu Rabaax Yaase ugu Magacdaray intaasi & Kabadan Waxaad ku daawan doontaan Sil siladaha Xubinteena Xaqiiqooyinka Xidigaha oo aad uga Barateen inaad ka Daawataan Barteena.

Cidna ma Ogeyn Bulshada kubadda Cagta in Frank Rebry uu Yahay Xidig Muslim ah Ilaa Mondiyaalkii Dunida ee 2006dii , Waqtigaasi oo Xulka Diiqyada ay qaabileen dhigooda Swiszerland, Waxaa Dhamaan ladaawaday Xidigga oo Aqrinaya Suurada Faataxada misna  Wejigiisa kuMasaxaya kahor Bilowga Kulanka Si Markaasi kadib Rasmi ugu Soo bandhigto Islaamnimadiisa,   Mid kamid ah Wariyeyaasha  oo Weydiiyey Miyaad badashay Diintaada? Waxa Rebry ugu Jawaabay “Aniga Mabadalin diinteyda aniga Muslim baan ahay waalidkeyna iiguma Talagalin, Iyaguna Waxey doorteen diintooda, Waana ku Faanayaa Guriga Waxaa la iigaga yeeraa Magaceyga Bilaal”.

Islaamnimada Wiilkan Reer France Frank Rebry Ama Bilaal Waxa sabab u aheyd Gabadha reer Al Geria Wahiba Bilhaame, Waxaana Markii ugu Horeysay ayku Kulmeen Guriga Walaalkeed & Saaxiibka Rebry Maalik, iyadoo ay wada degenaayeen Magaalada Xeebeedka Bolon ee Wadankaasi France.

Sanadkii 2004 Waxa uu Ka Gudbiyey Dalab Guur Rasmi ah kadib Jaceel mudo dheer kawada dhexeeyey, Mar dambe ayuu ka sheekeeyey Bal sheekadu sida ay aheyd Waxaana uu Yiri:- “Waxaan doonay inaan Guursado Wahiiba Waana ku adkeystay, Waan sameeyey Waxkasta oo aan Usameynlahaa Qofka uu Jeclaado Qalbigeyga, Waxaana dhiirinaanteyda ay Ziyaaday markii aan Ogaaday in iyaduna Dareenkaasi mid lamid ah ay ii heyso isla Markaana waafaqeyso iney iidhaxdo kahor inta aysan ku adkeysan inaan Iclaamiyo Diinta Islaamka si uu Guurkeena udhaco”.

Rebry intii uu Masaajida ku Noq noqonayey Waxaa Caawiyey Nin Muslim ah oo lagu Magacaabayey Cazaam Markii Nin kaasi gartay Garashada Rasmiga ah ee Frank waxa uu Codsaday Rebry inuu Cidna usheegin Halkaas ayuuna Sheekh Cazaam kasii watay barida rebry Diinteena Suuban ee Islaamka,  3 bil Barashadiisa diinta Islaamka kadib waxa uu Iclaamsaday qaadashada Diinta Xaqa ah ee Islaamka Waxaana uu Guursaday wahiiba.

Rebry waxa uu Carabka ku adkeeyey in Duruufta Guurkiisa aysan ku qasbin qaadashada Diinta Islaamka balse ayku Timid Si Shaqsiyadeed Waxa uu Yiri:- “Qoyska Wahiiba Waxbadan ayey igu caawiyeen Sidii wadadaasi ku qabsan lahaa, waxaana Rumeysanahay in Go’aankeyga uu Yimid kadib Markii aan Yaqiinsaday in Diinta Islaamka Tahay Midda Xaqa ah.

Sababtii uu udoortay Magaca Saxaabiga weyn ee Bilaal ibnu Rabaax kadib qaadashadiisii Diinta Islaamka Waxa uu yiri:- “Ayeeyada Xaaskeyga ayaa Ah mida iibixisay Magaca Bilaal, Sanado kahor markii aykatimid dalka Al Geria si Maalmo Fasax ula qaadato Qoyskeeda magaalada Bolon, Halkaasi ayaa isku baranay Kulamadeena oo badnaa aawadeed aad bey ugu Adkeyd kudhawaaqida Magaca Frank taas oo Markii dambe keentay iney iigu Yeerto Bilaal, Waana Magaca aanka Doortay magacyo dhowr ah aadbaana ugu Farxay Markii aan Ogaaday Booska & Miizaanka uu leeyahay Saxaabiga Weyn ee Bilaal Ibnu Rabaax”.

Kadib Markii uu qaatay Diinteena Suuban ee Islaamka Waxa uu qiray iney Wax badan iskabadaleen Noloshiisa, Waxa uu Bilaabay Inuu Salaada Joogteeyo Sidoo kale Maalmaha Jimcaha Ayuu Salaad kusoo dukan Jiray Masjidka waxaana Uu yiri:- “Kahor bilowga Ciyaar kasta waxaan duktaa Salaad, Waa Muhiim inaan Nafta dajiyo Isla Markaana Aan xadido ujeedkeyga, Islaamka Waxa uu Isiiyaa awood Gudaha Garoonka & Banaankiisaba, Nolosheyda Aad bey u adkeyd Waxaana Waajib ahaa inaan helo wax muujinaya inaan Meel Amaan ah Taaganahay kadib Nolol Adag waxaan Helay Diinta Islaamka”.

Ma aheyn Nolosha Franka Rebry Mid Sahlan waxaana uusoo maray Dhibaatooyin kala duwan, Bilowgii Yaraantiisii Waxaa haleelay Shil gaari oo ku dhawaaday inuu Seejiyo Noloshiisa, Welina Muuqaaladii dhibkaasi kama Aysan Baabi’in Wejigiisa, Waxaana shilka uu dhacay Markii Rebry uu Jiray kaliya 2 sano, iyadoo Jug Xoogan kasoo gaartay Gaari uu saarnaa oo waday Waalidkii oo kudhacay Bas weyn, In kastoo Jugta ay aheyd mid Xoogan Hadana waa uu ka badbaaday Franka Rebry taasoo Wejigiisa ku reebtay Calaamado kala duwan, Waa uu diiday inuu isaga baabi’iyo qaliin Isqurxin ah waxaana uu u arkaa tani ayqeyb Weyn ka tahay Guusha & Horumarka uu Nafsadiisa Gaarsiiyey.

Rebry calamadahaasi Waxey ay u Xoojiyaan Shaqsiyadiisa Marka ay dadku kaftamaan oo ay U fiiriyaan Qaabkiisa Waxa uu Yiri Mar wax laga Weydiiyey:- “Mabadalayo Muuqaalkeyga Waxaa la iiqoray inaan ka bad baado dhacdadaasi Suurtagal maaha inan badalo arimahaasi oo kale, Waxaan Filayaa qofkii Jecel Rebry waxa uu ku Jeclaanayaa Sida uu Muuqaalkiisa hada Yahay Aniga Mana Daneynayo Waxyaabaha kale”.

Waxaa Falanqeynaya C/qaadir Qeyska