DAAWO | Taariikhda Madow Icardi Qaabkii Saaxiibkii Naagtiisa Wanda ugala wareegay & Sir badan oo aadan marna maqal

Mauro Icardi waa mid kabaxay Academiyadda Barcelona ee Lamesia Hada waa xidiga kooxda Inter Milan & Mid kamid ah kuwa ay ugu doon doonis badan tahay Real Madrid, isagoo kamid ah weeraryahanada ugu qatarta badan dunida waxaa qiimo ahaan lagu qiyaasaa in kabdan 100 Milyan Uero, Inter Milan ayaa lasoo wareegtay sanadkii 2013 kadib sambadoria uga soo qaadatay kaliya 13 Milyan oo Euro , taasi iyadoo ay jirto Nolosha weeraryahanka Nerazuri waxey leedahay waxbadan oo layaab leh , waxaa lagu naaneesaa KHAA’IN ama Qiyaanoole gaar ahaan dalkiisa Argentiin , noloshiisa waxaa mataaneeya sir badan oo jamaahiirta kubadda cagta aysan ogeyn, Muxuu uga tagay Barcelona? , maxey uga caroodeen taageerayaasha Inter Milan iyadoo waliba wax badan uu uqabtay, maxeyse tahay sirta ku saabsan naaneysta khaa’in ee handadaya tareenkiisa kubadda cagta dalka Arjentiin, su’aalahaasi  Waxaan uga jawaabi doonaa muuqaalkan oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aan idinkaga baahino barteena dunida ciyaaraha tube ee nala daawo muuqaalkan.
Mauro Icardi waxa uu ku dhashay magaalada Rojazio deegaankii Halyeyga Barcelona Messi & Givara 19 kii february 1993 , Hooyadii waxaa lagu magacaabaa Analia Aabihiina Juan Icardi, waxaa lashahay Gabar & wiil lagu kala magacaabo Geo & Ivana , Waalidkii waxey kasoo haajireen dalkooda iyagoona yimid Spain gaar ahaan  jaziirada Canalia oo dhacda dhinaca waqooyi galbeed, si ay uhelaan nolol kawanaagsan tii ayku heysteen Arjentiin oo aabahoodbuuku fashilmay inuu shaqo helo, waxa uu helay shaqo maamule maqaayad, Icardi ma aheyn mid jeclaa kubadda cagta isagoo kasii jeclaa inuu aabihii caawiyo balse aabihii ayaa ku adkeyn jiray in meel fiican uuka gaaro wixii ku fashilmay waxaana uu dhihi jiray waa inaad ku guuleysataa wixii aanku fashilmay.
Rabitaankaasi adag ee aabihii ayuu ku bilowday tareenka kubadda cagta ee Icardi xili uu jiray da’da 5 jirka markii lagu biiriyey koox maxali aheyd oo lagu magacaabo Saratia waana koox yar oo ka dhisneed waqooyiga Arjentiin, markii uu haajiray kadib waxa uu ku biiray kooxda Onion Deportiva ee Jaziirada Canalia taas oo ayka soo jeedo Canaria Kooxda Las Palmas, markii hore majecleyn balse waalidkii dartii ayuu uciyaarayey lkn waxaa soo jiidasho yeeshay awoodiisa xoogan ee Gool dhalinta balse dabagalayaasha Barcelona ayaa siweyn ula dhacay wiilkan waxaana sii xoojiyey inuu biiro barca fekerka aabihii ee ku aadanaa in wiilkiisa uuka qalin jibiyo Acediyadda Lamesia oo ah beerta dahabka usoo saarta Barca taas oo ay meeshii ayka soo bexeen Messi, Iniesta & Xavi.
Icardi waxa uu siweyn ula qabsaday kooxda da’yarada Barcelona waxaana uu noqday mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan balse soo bixitaankiisii waxa uu kusoo beegmay joogitaankii jiilkii dahabiga ahaa ee Barcelona kaas oo ay heesteen Eto, Ibrahimovic , David Villa & Pedro Mana usugnaanin wax fursad ah Icardi uu ka helo Pep Guardiola oo isagu ka Jecel weeraryahanka dhaq dhaqaaqa marka loo eego Kan Clasiciga ah ee inta badan Gudaha rigoorada kujira , waxey taasi keentay in Amaah 6 bilood ah loogu diro Sampadoria & iney awood uleedahay kuiibsiga qiimo dhan 400,000 oo Uero si uu tareenkiisa kubadda Cagta uga bilaabo dalka Taliyaaniga , wax badan masugin xitaa bandhig cajiib ah uula yimaado, kulankiisii ugu horeeyey waxa uu wajahay kooxda Pianconeri Juventus waxa uuka dhaliyey 2 gool si uu uxirto booska 1aad shaxda kooxdiisa cusub kaas oo warbaahinta Taliyaaniga kutilmaamayey Jowharadii ka timid Acadiyada Barcelona, waxaana waqtigaasi icardi yiri:- “waxaan go’aansanay aniga & wakiilkeyga in kubadda ay ciyaareyso Barcelona aysan munaasab ku aheyn Qaab ciyaareedkeyga asluubeed fursadeydana waa ay yaraaneysa sidaasi daraadeed waxaan go’aansanay inaan uwareegno kubadda Taliyaaniga waana kubad lajaan qaadi karta qaba ciyaareed keyga lkn Barca waxaan ku leeyahay xusuus weyn oo cajiib ah waana ulaaban doonaa maalin uun.
Naaneysta Qiyaanoole waa mid daba joogi doonta inta kahartay Noloshiisa wiilkan xulka tango kadib markii uu qiyaanay ama gadaal ka toogtay wiilka ay isku wadanka yihiin & Saaxiibkiisa ugu dhawaa ee Maxi Lopez intii uuku sugnaa kooxda Sampadoria.
Qisada ayaa bilaabatay markii Mauro icardi uu ku biiray naadiga Sampadoria waxaa weerarka kooxdaasi hogaaminayey Arjentiineeska kale ee Maxi Lopez waxa uuna ahaa mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan kooxda , waxaana waajib ku aheyd inuu laabta ufuro wiilkan yar isagoo ka yeeshay saaxiib udhow si uu ugu caawiyo kunoolaashaha laqabsiga bey’ada cusub ee taliyaaniga isla markaana icardi uuka caawiyo barashada luqada Taliyaaniga & dadka kuxeeran & guud ahaan bey’ada taliyaaniga oo inbadan ka duwan Arjentiis & Spain, mudo kadib Maxi waxey kala tageen xaaskiisa wanda nara duruuf qarsoon, balse fajaca ayaa yimid isbuuc kadib markii lagu dhawaaqay furiinka , Icardi  ayaa si rasmi ah u iclaamiyey inuu xiriir ka dhexeeyo xaaskii hore ee Saaxiibkii Maxi & caruurtiisa hooyadeed waana waxa kayeelay in qiyaanoole u arkaan jamaahiirta Arjentin & kuwo kale ee kubadda cagta gaar ahaan kuwa Sampadoria kaas oo siweyn ugarab istaagay Maxi Lopez iyadoo siweyn loo tuhmay waxaana lagu eedeeyey in ninkan xiriir uulalahaa wanda inta aysan iska furin Maxi sababo ku aadan marwalba wuxuu joogay guriga MAXI oo u arkayey walaal kayar, MAXI ayaa diiday inuu salaamo Icardi markii ay kulmeen inkabadan hal jeer taasi ayaa saameyn ku yeelatay laacibkan inkastoo bandhig cajiib ah sanado dhowr ah garoomada ka muujiyey hadana loogama yeerin xulka , waxa uu weeraray hogaamiyeyaasha kubadda dalkiisa gaar ahaan Maradona oo markasta weerara Mauro Icardi kuna tilamaama Khaa’in, waxaa xusid mudan markii Sampoli uu qabtay xulka Tango uu uyeeray xidigan inkastoo laga reebay koobkii dunida ee Arooskiisa Ruushka lagu soo gabagabeeyey.
Markii uu kahadlay guurkiisa Wanda oo uu kuqoray buugiisa waxa uu kuyiri :- “markii aan hurdada ka kacay waxaan arkay fariin qoraaleed ka timid Wanda oo ay iiga dalbaneyso inaan usoo iibiyo Jihaaz IPAD inta aan kusuganahay Mareykanka kaas oo waqtigaasi aan laga heleynin Taliyaaniga markaas ayaan weydiiyey IPAD miyaa dooneysaa ama waxaad dooneysaa wado aad igula hadashid, markii aan kasoo laabtay Mareykanka waxaan usoo iibiyey IPAD kii ay dalbatay, waxaan ka qaatay balan si aan usiiyo, waqtigaasi wixi kadambeeyey saaxiibtinimadeena waa ay sii horumareysay, waxaan noqonay kuwo aad isugu dhow, iyadoo aan xoriyad uyeelanay inaan si dheeraad ah isula hadalno, maalin waxa ay ii sheegtay iney fasax ku aadayaan iyada & Maxi doon bada dhexdeeda ah, waxaana ay iigu yeertay inaan raaco, si deg deg ah ayaan u ogolaaday , halkaasi ayey kabilowdeen wax kasta oo dhexdeena ah , waxaana ogaaday in xiriirkeeda MAXI uusii idlaanayo”.
Wanda ayaa Noqotay mid kamid ah shaqsiyaadka ugu xoogan kubadda taliyaaniga kadib markii wakiil unoqotay laacibiin dhowr ah oo uu kujiro Icardi ahna mida xukunta mustaqbalkiisa kubadda cagta.
Intii uula joogay Inter Milan ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay naadiga Sasulo markii ciyaarta soo idlaatay laacibiinta ayaa aaday dhinaca Jamaahiirta inter si ay uweyneeyaan islamarkana ugu jawaabaan garabistaagooda naadiga, caado ahaan waxey usiibeen fanaanadahooda balse waxaa lama filaan ku noqotay in fanaanadahooda aykusoo tuureen jamaahiirta careysan halkan Icardi waa celin waayey caradiisa si uu ubilaabo inuu aflagaadeeyo Jamaahiirta, waxaana arinku uukusigtay in gacmaha leysula tago hadii uusan soo kala dhexgalin hogaamiyaha kooxda Ranokia kaas oo laacibka fogeeyey, waxaa markaasi kadib soo baxay Tababare Robert Manchini si uu ciyaariyahankiisa warbaahinta horteeda wax uga sheego isagoo leh:- “Waxaa waajib aheyd inuu ogaado in jamaahiirtu iney careysantahay taasi waa mid dabiici ah kadib guuldarada waxa uusameeyey waa doqonimo weyn”.
Icardi ayaa sheekada sii qarxiyey kadib markii buugiisa kuyiri:- “Waa imisa Jamaahiirta Altaras oo uula jeedo inter, 50 qof cidka mataqaano inaan ku dhashay meel aad ugu badan yihiin dhacdooyinka dambiga , waxaan ukeeni doona 100 dambiile si ay udilaan aniga ayaa ah kan ugu horeeya ee wajahaya madaxda Altras ee Inter, qolka labiska waxaan ka ah halyeey , fanaanad ayaan uhadiyey canug yar oo tiribuunka fadhiya kadib kulankii sasulo, mid kamid ah altras ayaa qaatay oo inta jeexay igu soo tuuray , inta aan wajahay ayaa wixii fanaanada wejiga kaga tuuray”.
Marka buugga lasoo saaray waxaa dagaal ka dhex qarxay Icardi & Jamaahiirta waxey soo qaateen boorar kulankii calgari kaas oo Icardi uu lumiyey Rigoore waxaana ayku soo qoreen Adigu Rag maahid, matihid hogaamiye, adiga waxaa tahay qeyb xun oo kali ah, kadib kulan ka kudhawaad 40 ruux oo katirsan jamaahiirta altres ayaa aaday guriga Icardi iyagoo watay boorarar ayku xardhan yihiin:- “aniga halkan ayaan joognaa noosheeg waqtiga ay imanayaan saaxiibadaada Arjnetin mise waxaad ahaaneysa fuley”, waana waxa keenay iney arinka soo farageliyaan maamulka inter si arinka loo xaliyo isla markaana sheekada loo dajiyo oo laga fogaado xaalad adag oo saameyn ku yeelan karta kooxda taasoo loogahortayey dhacdo aan lamahdinin oo arinkaasi ka dhalata, maamulka ayaa ka faa’iideystay xiriir wanaagsan ee jamaahirta kala dhexeeyey Javier Zineti taasoo dhacday ficil ahaan , lkn weli kama zuulin in Icardi ay necban yihiin taageerayaasha Inter.
Jamaahiirta Inter Milan ma aheyn kuwo soo dhaweeyey in Mauro loo dhiibo hogaanka ama Captain nimada kooxda gaar ahaan markii uu qiyaanay mid kamid ah kuwii ugu dhawaa, isagoo buugiisa kuxusay in xiriirkooda xun yahay isaga & jamaahiirta lkn Tababare Anceloti ayaa difaacay Mauro isagoo sheegay in icardi uu yahay mid aad ugu ad adag runta xiliga tababarka waxa uu jecelyahay guusha isagoo sidoo kale leh awood cajiib ah & Orod xawaarihiisu sareeyo, waa da’yahay waxa uuna awooda in kooxda sanado badan uu hogaamiyo, Icardi ayaa sanadkan ayaa Todobaadkan loo caleemo saaray xidigii ugu fiicnaa Horyaalka Taliyaaniga 2018 isagoo joojiyey sanado silsilado ahaa oo xidigaha Juventus ay daldalanayeen.