Daawo: Goolkii Wareerka Ahaa Ee Cristiano Ronaldo Ka Dhaliyay Man United & Qaabkii Waalida Ahayd Ee Uu U Dabaal Degay, Dabaal Deg Cusub Ayuu Sameeyay

Cristiano Ronaldo Ayaa gool qurux badan ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Man United kulankii champions League ee ay Red Devils guusha soo laabashada leh ka gaadhay Juventus.

Ronaldo ayaa baas cajiib ah oo fag ah ka helay daafaca reer Italy ee Leonardo Bonucci halka uu isaguna xitaa kubada oo aan dhulka taaban shabaqa dhex dhigay kubada.

Kadib goolka Ronaldo ayaa si la yaab leh u dabaal degay kadib markii uu taageerayaashii kulanka daawanayay tusay feedhihiisa garankiisana kor u qaaday Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan