DAAWO: Ciyaartoyda Real Madrid Oo Ka Soo Degtay Magaalada Moscwo Ee Dalka Russia Ka Hor Kulanka CSKA Moscow Iyo Liiska Ciyaartoyda Safartay.

Real Madrid ayaa u safartay dalka Russia waxayna ka soo degeen magaalada caasimada u ah ee Moscow iyada oo Julen Lopetegui uu soo saaray liiska 20 ka ciyaartoy ee safarkiisan ku wahelinaya. Real Madrid ayaa kulankii hore ee UEFA Champions League guul wayn ka soo gaadhay AS Roma laakiin Lopetegui ayaa ku jira cadaadis wayn kadib natiijooyinkii ugu danbeeyay.

Real Madrid ayaa soo martay waqti adag kadib markii ay Sevilla kala soo laabtay guuldaro 3-0 ah isla markaana ay xalay barbaro gool la’aan ah garoonkeeda Bernabeu kula gashay kooxda Atletico Madrid laakiin Lopetegui ayaa doonaya in xaalada La Liga ayna saamayn kaga yeelan tartanka UEFA Champions league.

Halkan ka daawo muuqaalka markii ay ciyaartoyda kooxda Real Madrid soo gaadheen magaalada Moscow ee dalka Russia:

Real Madrid waxaa kulanka CSKA Moscow ka maqnaan doona Gareth Bale oo waqtigii nashada ee kulankii Atletico Madrid dhaawac looga saaray wuxuuna ka maqan yahay liiska ciyaartoyda 20ka ah ee uu Lopetegui u doortay kulanka CSKA Moscow.

Da’yarka Vincius Jr oo kulankii Madrid Derby badal ku soo galay ayaa ku soo baxay liiska uu Lopetegui u magacaabay kulanka CSKA Moscow isaga oo haysta fursad uu tartanka UEFA Champions League uu kaga soo muuqan karo.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka CSKA Moscow:

Goolhaye: Keylor Navas, Kiko Casilla, Courtois

Difaaca: Dani Carvajal, Vallejo, Raphael Varane, Nacho, Odriozola, Reguilon

Khadka Dhexe: Toni Kroos,Luka Modric, Casemiro, Valverde, Marco Llorente, Marco Asensio, Dani Ceballos.

Weerarka: Mariano Diaz, Karim Benzema, Lucas Vazguez, Vincius Jr

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.