DAAWO | 😱7 Xidig oo TUUGONIMO ku qaaday Bollon dior kubadda dahabka & Deceomentry kuwii ladhacay laga sameeyey

Waxaa wax iska caadi ah Noqotay inaan daawano sanadkasta duufaan layaab leh oo ka dambeysa iclaaminta garashada ku guuleystaha abaalmarinta bollon dior ee kubadda dahabka , inkastoo abaalmarintan ay bixiso Majalada France Football ee laacibka ugu fiican caalamka, waxey tilmaantay laacibtii ugu fiicnaa caalamka hadana waxaa jira mugdi & shaki ku wareegsan tuhunka ah in cadaalad aysan jirin, kadib markii ay duluntay Xidigo badan oo aysan ictiraafin iyadoo waliba ay mudnaayeen waxaana taasi ay keentay in dadka xiiseeya kubadda cagta ay u arkaan xatooyo, waana waxa aan uga hadli doono muuqaalkan kaa oo aan idin kugu soo bandhgi doono kuwii ugu waaweynaa ee laga xarimay inloo caleemo saaro abaalmarintan ee nala daawo muuqaalkan.

1. Frenze Boshkash:- Halyeeygii kubadda Cagta Hungry & mid kamid ah weeraryahanadii ugu fiicnaa kubadda cagta taariikhda, waxa uu ku caanbaxay dhalinta goolal cajiib ah waana waxa fifa ku qasbay iney ugaaryeesho abaalmarin wadata magaciisa taasoo lasiiyo ciyaariyahanka dhaliya goolka ugu fiican sanadkasta iyadoo lagu xusayo wixi kubadda cagta kasameeyey intii uukusoo jiray, Boskash waxa uu sameeyey xili ciyaareed cajiib ah oo lagu tilmaamay mid kamid ah kuwii ugu fiicnaa ee taariikhda soo mara 1960 waxa uu Real Madird kula guuleystay koobkii Champions ama koobka Yurub halka uu qaatay abaalmarinta gooldhalinta tartanka & tan Gooldhalinta Spain ku dar wixii uula qabsaday jiilkii dahabiga ahaa ee Xulka Hungry iyadoo taasi oo idil ay jirto magaciisa laguma qorin kubadda dahabka ciyaariyahanka ugu fiican Yurub 1960 waxaana abaalmarinta ay koobeysay laacibiinta yurub, waxaana uu ka gadaal maray ciyaariyahankii Spain ee iscasilay Luis Suarez kaasoo kubadda dahabka loo caleemasaaray iyadoo uu xiran yahay Fanaanada Barca kaliya horyaalka ayuu kula guuleystay mana usooragelin abaalmarin kale.

2. Deco:- Ilaa hada lama garankaro sababtii loo siyey Abaalmarinta Bollon diorka Andy Shevchenko 2004 halkii laga siin lahaa Deco, xidiga reer Portugal waxa uu uqalmay abaalmarintaasi sanadkaasi kadib markii uusoo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ahaa uuku guuleystay inuu F C Porto ku hogaamiyo caleemasaarka Horyaalka Portuqeeska & Horyaalka Qaaradda Yurub ee uefa Champions league xiligii uu maamulayey Macalin Jose Mourinho lagu daray sidii xulkiisa uga caawiyey iney gaaraan finalka koobka Qaramada yurub ee 2004 kahor guuldaradii Creece, waxkasta dhankiisa ayey usocdeen xidigan Portugal balse asal ahaan kasoo jeeda Brazil ninka ugu fiican caalamka balse taasi madhicin kadib markii kaalinta 2aad uuka galay liiska abaalmarinta gadaasha Andy Shevchenko kaaso milan kula guuleystay Horyaalka Taliyaaniga kaliya & gooldhalinta oo 24 gool layimid waana waxa layaab ku keenay cushaaqda kubadda cagta gaar ahaan Shevchenko oo aan wax abaal marin qaaradeed ku guuleysan kadib markii Milan wareega 8da ay uga hartay Champions league cagsigeeda Deco oo ku guuleystay koobka.

3.Wesly Snadier:- Sanadkii 2010 waxaa leysku daray abaalmarinada kubadda dahabka & kan the best ee Fifa waxaana lasiiyey Lionel Messi waana waxa keenay duufaan qeylo dhaan ah bartamaha kubadda cagta ah, Maaha in layareynayo Tayada Wiilkan dadka qaarba ayshaki geliyeen inuu bini’aadam yahay waxa uusameynayo daraadeed lkn iyadoo la eegayo iney joogeen kuwa ka mudnaa waxaana ugu horeeyey kan reer holand Wesly Snaider kadib markii uu Inter kuhogaamiyey 3dii koob ee Taariikhiga ahaa sida Horyaalka Calcio, Copa Italia & Uefa Champions League kudarso in Koobkii dunida 2010 muujiyey bandhig waaqica kafogaa, waxa uu dhaliyey 5 gool oo doorweyn ka qaatay in Xulka Oranjaha ay gaaraan Finalka kahor inta aysan ku hor guuldaroon Spain waxaas oo idil waxaa tir tiray Markii Messi uu Xaqiijiyey Horyaalka Spain & abaalmarinta ninkii ugu fiicnaa horyaalka , in ladulmiyey Snieder kaliya kuma koobnaan in lasiin waayey abaalmarinta balse xitaa laguma soo darin liiska 3da xidig ee ugu dambeysa taasoo Messi hogaamiyey oo ay ku xigeen Xavi &Iniesta sidoo kale hadii Ineista & Xavi midkood ku guuleysan lahaa waxa ay noqon laheyd mid ugu yaraan dad badan qancisa maadama ayku guuleysteen koobka loogu jecelyahay shki laaan, waqtigaas waxaa soo baxayey warar sheegayey in Snieder uuku guuleystay abaalmarinta Bollon dior balse waxey markii dambe ay soo qabteen cameroyinka Messi oo kor u ahaya abaalmarinta kubadda dahabka.

4. Steven Gerrad:- Dad badan waxey u arkaan in caleemasaarka wiilka reer Brazil Ronaldinho abaalmarinta kubadda dahabka 2005 uu mudnaa in lasiiyey kadib markii horyaalka uu barcelona kula guuleystay isla markaana xulkiisa uula qaaday koobkii qaaradaha Confederation Cup lkn hadii aanu ku eegno aragti kabalaaran waxaanu heleynaa in ninka reer ingiriis Gerrad uu isaguna mudnaa kadib markii uu kamid ah musharaxiinta islamarkaana laf dhabar u ahaa kuguuleysiga Liverpool Koobka Uefa Champions League markii ayku guuleysteen Finalkii Mucjisada ahaa ee Stanbuul ee caanka noqday waqti ay Barcelona Championka ay ku macsalaameysay wareegga 16 ka mana jirin wax xusuus ah oo weyn oo xili ciyaareedkaasi kagatagay koobkan dinho,, waa sax in sixirka dinho kaliya uu ku filnaa in lagu siiyo abaalmarintan lkn marka la eego waxyaabaha lagu saleeyo bixinta kubadda dahabka waxaa kamudnaa gerrad maadaama uu ku guuleystay koobkii ugu weynaa qaaradda yurub ahna midka ugu muhiimsan naadiyada, taas oo dadka badankii ay u arkaan inuu Gerrad xaq ulahaa waqtigaa.

5. Andres Inesta :- Waa wax aan macquul aheyn inaad rumeysatid in iniesta uusan ku guuleysan abaalmarinta kubadda dahbka, sidaasi waa cinwaanka warbixin ay qortay jariiradda Marca iyadoo ka jawaabeysa in xidigii hore ee Barca uusan ku guuleysan Abaalmarintan taarikhda, laacibka waxa ugu muhiimsanaa inuu muujiyo bandhigiisa garoonka kana wixii fogaado wixii banaankiisa lkn dadka badankii waxey tilaamaamayaan in Doon Iniesta ladulmay waxaana uu dhibane unoqday shacbiyadda Xidigaha Ronaldo & Messi 2012, kadib markii uu galay kaalinta 3aad gadaashoada liiska kala sareynta abaalmarinta kubadda dahabka, waana wax khilaafay dhamaan saadaalinta taas oo tilmaameysay in markan ay fursad fiican u tahay sidii u gaari lahaa kan ugu fiican caalamka, iniesta ayaa waqtigaasi xulkiisa ku hogaamiyey koobka Qaramada Yurub 2012, isagoo noqday kan ugu fiican tartankaasi lagu daray kii ugu fiicnaa yurub isla sanadkaasi lkn nasiibdaradiisa markale abaalmarinta waxa uu ulumiyey messi oo dhaliyey xiligaasi 92 gool lkn xiliciyaareedkaasi uma fiicneyn wadar ahaan waxa uu lumiyey liga halka koobka yurub uu ugaharay semi finalka.

6.Frank rebry:- Markale waxaa soo laabtay wixii kudhacay Iniesta lkn waa laacib kale waana ninka reer France Frank Rebry kaasoo soo bandhigay mid kamid ah xiliciyaareedyadiisii ugu fiicnaa 2013, waxa uu doorweyn kulahaa in Buyern munchen aykuguuleysato Sadexleydii taariikhiga aheyd markaas oo qaabciyaareed cajiib ah layimid waxaana ay cagta ay mariyeen Bavariyiinta kuwii tartanka kula jiray , waxa uu ku guuleystay abaalmarinta kan ugu fiican ugu fiican yurub lkn dhamaadkii sheekada waxaa xukuntay shacbiyadda Messi & Ronaldo, waxaa abaalmarinta lasiiyey ninka reer Portugal Cristiano Ronaldo iyadoo weli uusan ku guuleysan wax koob ah halka arjentiineesku uu yimid kaalinta 2aad kadibna 3aad Rebry, waxaana dhacdadaasi garabka reer France ka yiri:- “Codeynta waa wax qarsoon aan la fahmi karin waxaan ku guuleystay dhamaan koobabka 2013, waxaan ahaa kii ugu fiicnaa Bundusligaha & yurub mana awoodin inaan qaado abaal marinta, waxa uu kudaray mafah=hmin aniga ahaanteyda arinka waxey iigula ekaatay xatooyo xataa wadankeyga iguma caawin inaan ku guuleysto abaalmarinta, waa dulmo & rajo beel weyn”.

7.Zinidine Zidane:- Wax layaab leh ayey aheyd in hal mar kaliya lasiiyo xidigan abaalmarinta kubadda dahabka , 1998 waxa uu ahaa mid kamid ah kwui ugu fiicnaa sanadkaasi, waxii uu qabtay dalkiisa & naadiyaashiisa waxa uu mudnaa inuu markale ku guuleysto kubadda dahabka ugu yaraan waxaana jiray in dhowr jeer uukamid noqday kuwa ugu dambeeya gaar ahaan sanadkii 2000 markaas uu ulumiyey saaxiibkiisii Luis Figo , dhacdo waqtigaasi us’aalo badan laga keenay sababta figo lagu siiyey abaalmarinta maadama Barcelona uusan sanadkaasi waxba kula guuleysan xitaa markii uu uwareegayReal madrid sanadkaasi si lamid ah, halka Zidane uu xulka diiqyada ku hogaamiyey koobkii Euro isla markaana bandhig qurux badan soo bandhigay sanadkaasi waana waxa keenay in fifa udoorato kan ugu fiican caalamka halka ay fikir kale lahaayeen kuwa bixiya Ballon diorka waqti ay labada abaalmarin kala saarnaayeen.

Gabagabadii waxaa dhiman inaad ogaatid Xidigo kale sida Arjentiineeska Maradona & Brazilianka Pele laga xarimay iney ku guuleystaan abaalmarinta kan ugu fiican caalamka sababo ku aadan abaalmarinta oo markii hore lasiin jiray laacibiinta yurub kaliya kahor inta aan wax laga badalin sharcigaas 1995 tii taasoo laga dhigay laacibka ugu fiican ee matalaya naadiyada yurub halka markii dambe loo badalay kan ugu fiican caalamka.

Majaladda bixisa Abaalmarinta France Football ayaa xidigaha aan suuragalin iney ku guuleystaan kubadda dahabka qiimeysa sida Pele oo 7 jeer ayku qiimeysay inuu ku guuleysan lahaa halka Maradonna 3 jeer uu qaadan lahaa.

Maxey tahay Fekerka aad ka qabtaan in sanadkan uuku guuleysto abaalmarinta kubadda dahabka Luca Modric & bur bruintii carshiga Ronaldo & Messi 10 sano kadib , Aragtidiina Miyuu Mudnaa ninka reer Croatia ?

Suashaasi jawaabteeda & Fekerkiina noogu reeba muuqaalka hoostiisa aad baana ugu mahadsantihiin soobooqashada barteena .

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.