Daafaca dhexe ee da’da yar ee kooxda Barcelona, Pau Cubarsí (18 sano jir), ayaa si xushmad leh uga falceliyay bandhigga cajiibka ah ee Desiré Doué uu ka sameeyay final-kii Champions League, balse wuxuu si kalsooni leh u sheegay in aysan sahlanayn in abaalmarinta Golden Boy laga hor qaado.
“Waa run, Doué wuxuu sameeyay bandhig cajiib ah, laakiin abaalmarinta Golden Boy si sahal ah la iigama qaadi karo,” ayuu yiri Cubarsí oo wareysi siiyay Radio Marca.
“Midkeenba wuu istaahili karaa abaalmarinta, wuu fiicnaa xilli ciyaareedkan,” ayuu yiri Cubarsí isagoo muujiyay ixtiraam buuxa oo uu u hayo xiddiga reer France.
“PSG si fiican bay u ciyaartay, Doué-na wuxuu ahaa mid muhiim u ah guushaas,” ayuu sii raaciyay, isagoo xusay in Dembélé-na uu ahaa xiddig kale oo si heersare ah u ciyaaray, gaar ahaan isagoo xusay inuu u tartamayo Ballon d’Or.
🏆Tartanka Golden Boy:
Cubarsí iyo Doué ayaa si weyn loogu tirinayaa inay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu cadcad abaalmarinta da’yarta ee Golden Boy 2025. Labadan xiddig ayaa mar kale iska hor imaan doona Khamiista soo socota kulanka semi-final-ka Nations League, taasoo noqon doonta fursad kale oo laga yaabo iney go’aamiso tartanka.