Crystal Palace ayaa go’aamisay qiimaha ay ku doonayso difaacooda Marc Guehi, kaasoo galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, kaasoo dhacaya xagaaga 2026. Tani waxay kusoo beegantay iyadoo ay jirto calaamad muujinaysa inuusan doonayn inuu cusboonaysiiyo heshiiska.
Kooxda reer London ayaa doonaysa inay iska ilaaliso in ciyaaryahanku si bilaash ah uga tago mustaqbalka, iyadoo xiisaha kooxaha waa weyn ee Yurub uu kordhayo — Liverpool iyo Arsenal ayaa ah kuwa ugu cadcad. Guehi, oo ah xiddig heer qaran u ciyaara England, ayaa doorbidaya inuu ku biiro koox uu si joogto ah uga ciyaaro si uu u sii haysto booskiisa xulka qaranka kahor Koobka Adduunka ee 2026.
Sida uu sheegay wariyaha Rudy Galetti, maamulka Crystal Palace ayaa go’aansaday inay hoos u dhigaan dalabkoodii hore iyagoo hadda diyaar u ah iney aqbalaan £45 milyan, iyadoo Galetti uu sidoo kale xaqiijiyay in Liverpool ay durba ku dhowdahay inay heshiis shaqsi ah la gaarto ciyaaryahanka si loogu dhaqaaqo saxiixiisa xagaagan.
Waxaa xusid mudan in Newcastle United ay isku dayeen inay Marc Guehi la saxiixdaan xilli ciyaareedkii hore iyagoo £60 milyan miiska saaray, balse dalabkaasi waa la diiday.
Difaaca 24-jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay u saftay Crystal Palace 44 kulan, isagoo dhaliyay 3 gool isla markaana bixiyay 2 caawin.