Cristiano Ronaldo ayaa yiri: “Lamine Yamal waa mucjiso,wuxuuna si fiican uga faa’iideysanayaa hibadiisa. Waa in wiilkan da’da yar la siiyo fursad uu ku koro; yaanan culays loo saarin si xad dhaaf ah. Hala daayo, ha u koro si dabiici ah, culayskana ha laga yareeyo. Hibadiisa wax kama maqna. Talada aan Yamal siinayo? Waxaan talo siiyaa kuwa sida gaarka ah ii weydiista, ma aha dadweynaha hortooda.”
Wuxuu sidoo kale caddeeyay: “Ciyaarta berri miyey u dhaxaysaa Cristiano iyo Yamal? Had iyo jeer waxay ahayd sidaas; markaan ciyaari jiray, kulamada go’aaminta lahaa waxay noqdaan kuwa la i barbar dhigo ciyaartoy kale. Laakiin taasi i walwal galin mayso; waa laba jiil oo kala duwan — mid hadda bilaabaya iyo mid dhamaanaya, aniga ayaana tusaale u ah. Waa inay isbarbardhigaan Lamine iyo Vitinha, tusaale ahaan, laakiin haddii ay doonayaan inay i la barbardhigaan, aniga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadi doona.
“Dhab ahaantii, sidaas ma aha; ciyaarta berri waa 11 ciyaartoy oo 11 kale la ciyaaraya. Laakiin waan fahamsanahay, saxaafaddu waxey dooneysaa inay ciyaarta kululeyso — taasina waa wax dabiici ah oo qurux badan. Waxa aan rajaynayo waa in Portugal si fiican u ciyaarto oo aan guuleysano.”