Cristiano Ronaldo Oo Shaaciyay Waxa Keliya Ee Ku Qasbi Kara Inuu Kubadda Cagta Ka Fadhiisto

Cristiano Ronaldo ayaa shaaciyay in kaliya dhaawac culus uu sababi karo inuu ka fariisto ciyaaraha, isagoo xusay inuu dhaawac la ciyaaray kulankii kama dambaysta UEFA Nations League ee ay la yeesheen Spain.

Xiddiga reer Portugal ayaa yiri:

“Dhaawac ayaan dareemayay intii kulanka lagu jiray, xitaa intii aan kulanka u diyaargarownay. Wuu i dhibayay muddo. Laakiin haddii ay ku kacayso in lugteydoo jaban aan ciyaaro,waan u ciyaari lahaa Portugal, waan sameyn lahaa. Waa tartan muhiim ah, waxaana go’aansaday inaan ciyaaro oo aan wax walba u huro dalkeyga.”

Ronaldo ayaa Portugal ku hogaamiyay si ay ugu guuleystaan markii labaad tartanka UEFA Nations League, isagoo dhaliyay goolka barbaraha ee keenay in ciyaartu gasho waqtiga dheeriga. Portugal ayaa ugu dambeyntii ku qaaday koobka rigoorayaal 5-4 ah.

Markii ciyaarta dhammaatay, Ronaldo oo da’diisu tahay 40 jir, isla markaana la beddelay daqiiqaddii 86-aad markii la ogaaday in uusan sii wadi karin ciyaarta, ayaa sii raaciyay:

“Waad ogtihiin da’da aan jiro, dabcan waxaan ka dhowahay dhammaadka xirfaddeyda marka loo eego bilowgeedii. Laakiin waxaan doonayaa inaan ku raaxeysto daqiiqad kasta.”

Ugu dambeyn wuxuu yiri:”Ilaa uu dhaawac culus isoo gaaro, waan sii ciyaari doonaa.”

Ronaldo wuxuu hadda ka tirsan yahay kooxda Al Nassr ee dalka Sacuudiga, laakiin hadalkiisa ayaa muujinaya inuu weli doonayo inuu sii ciyaaro ilaa uu si qasab ah ugu qasbanaado inuu fariisto.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football