Cristiano Ronaldo Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro Koox Uu Aad Ula Xifaaltamo

Wargeyska “Okaz” ayaa sheegay in maamulka kooxda Al-Hilal si rasmi ah u oggolaaday fikradda ku saabsan saxiixa xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo ka tirsan kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Nassr.

Wargeysku wuxuu xaqiijiyay in Ronaldo uu muujiyay rabitaan xooggan oo uu ku doonayo inuu ugu wareego Al-Hilal xilli dhow, taasoo ka dhigaysa heshiiska mid aad suuragal u ah.

Maamulka Al-Hilal ayaa caddeeyay in ay kaliya sugayaan dhameystirka faahfaahin yar si loogu shaaciyo heshiiska si rasmi ah maalmaha soo socda.

Oggolaanshahaan ayaa yimid kadib markii Al-Hilal ay heshay dhammaan xuquuqdeedii ku aaddanaa guddi-qaabeedka, iyadoo sidoo kale lagu daray shuruudo dheeraad ah oo dammaanad qaadaya ilaalinta danaha kooxda; dhinacyada farsamo iyo ganacsi labadaba.

Maamulka kooxda ayaa sidoo kale dadaal ugu jira sidii ay u hubin lahaayeen in xuquuqdooda si buuxda loo ilaaliyo haddii heshiisku dhaco, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in tallaabadan muhiimka ah ay guul u noqoto safarka kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football