Cristiano Ronaldo ayaa si diirran u hadlay isaga oo muujiyay ixtiraamka uu u hayo Lionel Messi, inkasta oo ay sanado badan ka soo dhexeysay tartan adag oo kubadda cagta ah.
“Waan jeclahay Argentina, xaaskeyguna waa u dhalatay. In kasta oo aan 40 jir ahay, weligay ma aanan booqan Argentina, balse waxaan rajeynayaa inaan maalin tago. Dabcan Messi waan jeclahay,” ayuu yiri Ronaldo.
Wuxuu intaa ku daray: “Sanado badan waxaan ahaa cadow ciyaareed oo Messi ah, balse aad baan u ixtiraamaa. Si wanaagsan buu iila dhaqmay, ixtiraamna wuu ii muujiyay. Mararka qaar anigaa u turjumi jiray xafladaha abaalmarinta marka uu kari waayo inuu ku hadlo Ingiriisiga.”
Ronaldo wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa: “Mustaqbalku waa mid aan la saadaalin karin.”
Hadalkan Ronaldo ayaa muujinaya in xiriirka uu la leeyahay Messi uu ka gudbay heer tartan oo kaliya, uuna gudbay ixtiraam iyo aqoonsi dhab ah oo labada xiddig u dhexeeya.