Cristiano Ronaldo ayaa si cad u sheegay inuu shaki weyn ka qabo qiimaha abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo sidoo kalena ka digay in cadaadis lagu saaro ciyaaryahannada da’da yar sida Lamine Yamal.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa yiri:
“Aniga ahaan, ciyaaryahanka ku guuleysta Ballon d’Or waa inuu noqdaa mid ku guuleystay Champions League. Waxay lumiyeen qiimaha abaalmarintan.”
Markii la weydiiyay aragtidiisa ku saabsan abaalmarinta, wuxuu intaas ku daray:
“Ballon d’Or? Ma aaminsani abaalmarinnada shaqsiga ah hadda, sababtoo ah waan ogahay shaqada dhab ahaantii jirta.”
Isagoo ka hadlayay Lamine Yamal, Ronaldo wuxuu yiri:
“Lamine Yamal wuxuu sameynayaa wax fiican, wuxuu si fiican uga faa’iideysanayaa hibadiisa. Laakiin waa in la siiyo fursad uu ku koro.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Yaan la saarin cadaadis badan. Ha la daayo oo ha u koro si dabiici ah. Hibadiisa waxba kama maqna.”