Cristiano Ronaldo Oo Ku Riyoonaya Inuu Jebiyo Shan Rikoodh Xili Ciyaareedkan

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa diiradda ku haya inuu jebiyo dhawr rikoodh oo bartilmaameedkiisa ah xili ciyaareedkan, isaga oo xidhan funaanadda Juventus.

Ronaldo oo hore usoo jebiyey rikoodho badan intii badan, gacantana ku dhigay abaalmarino shakhsi ah, ayaa waxa uu hore ugu soo guuleystay laba jeer horyaalka LaLiga, laba Copa del Rey iyo afar Champions League intii uu joogay Real Madrid, hase yeeshee intii uu joogay Manchester United ayaa waxa uu hore ugu soo guuleystay hal Champions League iyo Premier League.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shanta rikoodh ee Ronaldo u qorshaysan inuu xili ciyaareedkan jebiyo.

  1. Ciyaartoygii ugu horreeyey ee ku guuleystay saddexda horyaal ee Premier League, LaLiga iyo Serie A: Laaciba reer Portugal ayaa raadinaya in xili ciyaareedkiisa ugu horreeya uu ku guuleysto horyaalka Serie A, kaas oo ka dhigi doona ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka ciyaara saddexda horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub ee Premier League, LaLiga iyo Serie A ee ku wada guuleysta.
  2. Saddex kooxood oo kala duwan inuu kula guuleysto Champions League: Cristiano Ronaldo waxa uu barbarrayn doontaa rikoodhka khaaska u ah Clarence Seedorf oo Koobka UEFA Champions League kula guuleystay kooxaha Ajax, Real Madrid iyo AC Milan, waxaanu xiddiga reer Portugal isaguna diiwaangashan doonaa rikoodh ah inuu Manchester United, Real Madrid iyo Juventus kula guuleysto koobkan, haddii kooxda semi-finalka ku hadhay xili ciyaareedkii hore ay awood u yeelato inay ku guuleysato xili ciyaareedkan.
  3. Goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo horyaalka Serie A, hal xili ciyaareed: Rikoodhka goolasha ugu badan ee hal xili ciyaareed laga dhaliyey horyaalka Serie A waxa haysta Gonzalo Higuain oo 36 gool dhaliyey, hase yeeeshee Cristiano oo 323 gool u saxeexay Los Blancos horyaalka LaLiga ayaa doonaya inuu u dagaallamo inuu in badan tiradaas shabaqa taabsiiyo, si rikoodh khaas ah oo dhalinta goolasha ah uu uga samaysto Talyaaniga.
  4. Ciyaartoygii ugu horreeyey ee kabta dahabka ah ku qaada Premier League, LaLiga iyo Serie A: Taariikhda may dhicin in hal ciyaartoy uu ku guuleysto kabta dahabka ah ee saddexda horyaal ee ugu waaweyn. John Charles oo usoo ciyaaray Leeds iyo Juventus iyo Christian Vieri oo Atletico Madrid iyo Inter Milan u ciyaaray ayaa ah labada xiddig ee kaliya ee ku dhowaaday markii goolashii ay kabta dahabka ah kaga guuleysteen labada dal, hase yeeshee Ronaldo oo Ingiriiska iyo Spain kusoo qaatay ayaa markan u dagaallamaya inuu ku darsado Talyaaniga.
  5. Ciyaartoygii ugu goolasha badnaa Juventus hal xili ciyaareed: Herenc Herzer ayaa xili ciyaareedkii 1925-26 u dhaliyey Juventus goolashii ugu badnaa, hase yeeshee Ronaldo oo Real Madrid usoo saxeexay 451 gool, ayaa waxa uu halgan u gelayaa inuu dhaliyo sidii looga bartay ku dhowaad 50 gool, taas oo ka dhigi doonta laacibka goolasha ugu badan u dhaliyey kooxda Juventus.

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Malaga yaapo in juventus ay qaado champions leuge lkin wa macqul in 5tas 3 ka mid ah ay suurto gal noqdan

Comments are closed.