Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu ka tago Al Nassr kadib kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda, maadaama uu dhammaaday qandaraaskiisii 30-ka Juun. Inkasta oo aysan weli rasmi ahayn, wadahadallo ayaa socda si uu u sii joogo horyaalka Saudi Pro League, balse waxaa la filayaa inuu u wareego koox kale.
Warbaahinta Spain ee MARCA ayaa sheegaysa in mustaqbalka Ronaldo uu u muuqdo inuu kusoo af-meerayo kooxaha Al Hilal ama Al Ahli, halkii uu sii joogi lahaa lahaa Al Nassr. Inkasta oo Fernando Hierro uu dhawaan sheegay in “dadaal lagu jiro si dhinacyadu heshiis uga gaaraan sii joogista Ronaldo ee Al Nassr,” haddana dowladda Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay riixayso inuu ku biiro koox kale.
Al Hilal ayaa loo arkaa dookha ugu sarreeya ee Ronaldo, maadaama kooxdaasi ay ka qeyb geli doonto Koobka Adduunka ee Naadiyada (FIFA Club World Cup), halka Al Ahli ay iyaduna usoo baxday Asian Champions League, sida Al Hilal oo kale.
Waxaa xusid mudan in Al Hilal ay wajihi doonto Real Madrid kulanka furitaanka Koobka Adduunka ee Naadiyada 18-ka Juun — taasoo noqon karta kulankii ugu horreeyay ee Ronaldo u safto kooxda cusub, isla markaana uu wajaho kooxdiisii hore haddii uu heshiiska dhaco.
Shaki badan ayaa sii kordhay kadib qoraal uu Ronaldo soo dhigay baraha bulshada markii Al Nassr looga badiyay 3-2 kulankoodii ugu dambeeyay, wuxuuna yiri:
“Cutubkan wuu dhammaaday. Qisadii? Wali waa socotaa. Waan u mahadcelinayaa dhammaan.”
Ronaldo wuxuu noqday saxiixii ugu weynaa ee soo gaara horyaalka Sacuudiga markii uu ku biiray Al Nassr dhammaadkii 2022, heshiis lagu sheegay in uu gaarayay in ka badan €200 milyan muddo labo sano iyo bar ah.