Cristiano Ronaldo Oo Ka Saxiixay Shaqaalihiisa Inaysan Faafin Karin Sirtiisa Iyo Tan Qoyskiisa Ilaa 70 Sannadood Markuu Dhinto Ka Dib

Cristiano Ronaldo ayaa muran la’aan ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dunida. 33 jirkaan ayaa dhawaan waxa uu ka sarre maray fanaanada iyo aktarada Selena Gomez isagoo noqday shaqsiga taageeraha ugu badan ku leh bogga bulshada ee Instagram.

Marka laga hadlayo garoonka, Ronaldo waxa uu si fiican u la qabsanayaa Italy ka dib markii uu ka soo wareegtay Real Madrid kuna biiray juventus bishii July.

Waxa uu haatan yahay xiddiga ugu goolasha badan Juventus isagoo dhaliyay todobo gool 11kii kulan ee ugu horeysay ee Serie A uu u safto, waxaana uu rajeynayaa inuu kooxdiisa cusub ku hogaamiyo hanashada koobka Champions League.

Si kastaba, Ronaldo ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin garoonka ka baxsan ka dib markii lagu eedeeyay inuu kufsi ku geystay gudaha dalka Mareykanka.

Gabadha xayaysiinta sameysa ee Kathryn Mayorga oo 34 sanno jir ah ayaa ku eedeysay Ronaldo inuu kufsaday.

Ronaldo ayaa si cad u beeniyay eedeymahaas kuwaasoo markii ugu horeysay lagu daabacay shabakada sir faafiyaha kubada cagta Football Leaks bishii April 2017.

Football Leaks waxay ay baahisay warbixin intaas ka badan oo ku saabsan nolosha qaaska ah ee Ronaldo.

Sida ay qortay jariirada Marca xiddiga Juventus ayaa ka dalbaday shaqaalaha u shaqeeya inay saxiixaan dukumiintiyo ilaalinaya sirtiisa iyo sirta qoyskiisa.

“Xiddiga Portugal wuxuu ku waalan yahay inuu noloshiisa qaaska ah ka dhigo mid sir ah, waana sababta shaqaalihiisa looga mamnuucay inay ka hadlaan ilaa iyo 70 sannadood ka dib geerida Cristiano Ronaodo ama qofka ugu danbeeya ee qoyskiisa.” ayay qortay Marca

Waxaana sharuudaas laga saxiixay shaqaalaha Ronaldo ay ka dhigeysaa inaan wax badan la ogaan doonin noloshiisa qaaska ah muddo dheer.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Walaahi waa ruwaayad ceebta lagu eedeyay Rolando waa maxay sababta ay karabtay war horta 33 jir cidi marabto 25 haduu kabadanyahay waa uwayn tahay

Comments are closed.