Xiddiga caalamiga ah ee reer Portugal, Cristiano Ronaldo, oo haatan u ciyaara kooxda Al-Nassr ee Sucuudiga, ayaa qaaday tallaabo muujinaysa mowqifkiisa bani’aadannimo, isagoo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ka codsaday in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa nabad caalami ah.
Ronaldo ayaa u diray Trump maaliyaddiisa gaarka ah oo uu ku qoray farriin uu si shakhsi ah u saxiixay. Farriintaas ayaa ahayd:
“Waxaan u ciyaarnaa Nabadda” — taasoo ka tarjumeysa rabitaankiisa ah in dunida nabad lagu soo dabaalo.
Ronaldo wuxuu rajo ka muujiyay in Mareykanka, maadaama uu yahay quwad weyn, uu door hoggaamineed ka qaato joojinta xiisadaha iyo xasaradaha sii kordhaya ee caalamka, islamarkaana uu dhiirrigeliyo xalka nabadeed.
Tallaabadan uu qaaday kabtanka xulka Portugal ayaa ahayd mid si weyn loogu bogaadiyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay u arkeen mowqif geesinimo leh oo ka turjumaya damiir bani’aadannimo — oo uu la yimid mid ka mid ah wajiyada ugu caansan kubadda cagta adduunka.